“Diyaaradan Flydubai Hadaanay U Hogaansamaynin Amaraddeena, Waa Inaynu Joojinaa” Afhayeenka Kulmiye ee Uk
Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Xeer dhawaan ay soo saartay xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha dhanka socdaalka ayaa la sheegay inuu caqabad ku noqday dad badan oo ka mid ah dadka isir ahaan ka soo jeedda Somaliland ee ku dhaqan dalalka galbeedka haystana dhalashooyinka dalalkaa iyo caruurtooda, ee xilliga xaggaaga yimaada Somaliland, Isla markaana siday faafisay shabakadda caynabanews diyaaradda Fly Dubai ai ayaa si wayn looga cabanayaa qaabka ay ula dhaqanto dadka tigidhadeeda goostay.
Afhayeenka Kulmiye ee UK Maxamed Cabdi Aadan ayaa war muuqaal ah ku sheegay in loo baahan yahay in xukuumaddu si degdeg ah wax uga qabato arrintaa. Ahayeenka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi;“Somaliland hore waxay u sheegtay inay joojisay fiisayaashii dadka lagu soo rogay, laakiin waxaad moodaa in aanay diyaaradda Emarat iyo Flydubai in aanay weli dheg jalaq u siinin, oo dadkii halkan lagu ciqaabayo. In markay tigidhadii goosteen ee ay eeriboodhadii tageen, tigidhadii laga khasaariyay, carruurtii yaryarayd ee dalka la soo bari lahaa ay niyad jabaan, markaa dadka yaan la niyad jabinin, diyaaradan Emaraatka iyo Flydubai hadaanay u hogaansamaynin amaraddeena, inaggaa wadanka leh, waa inaynu joojinaa, waa inaynu wadanka ka mamnuucnaa, waa inaynu liisanka ka qaadnaa, haddii aanay awaamiirta dawladda qaadanayn.”
Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in caruurta qurbaha ku dhalatay ay baasabooraddooda ugu qorantay dalalka ay ku dhasheen sida British, balse dadka waawayn ay ugu qorantay meesha ay kag dhasheen soomaaliya ama Somaliland, sidaa daraadeed wuxuu xusay in taasi dhibaato ku tahay dhalinta tegaysa ee la gaynayo dhulkii isir ahaan waalidkoodu ka soo jeeday.
Sidaa darteedna wuxuu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si dhakhso wax uga bedesho qodobkaa. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray, waqti xaadirkanba dad ka yimi Ingiriiska oo ku soo jeeday Somaliland, inay ugu xaniban yihiin arrintaa meelo ay ka mid yihiin Qatar iyo Emaaraatku, kadib markii loo sheegay in aanay caruurtu haysanin fiise Somaliland ah.