|

Diyaaradaha Maraykanka Oo Bilaabay Inay Dul Heehaabaan Magaalada Nairobi Xilli Saacado Ka Hadhsan Yihiin Booqashada Madaxweyne Obama

Nairobi:Jully,22,2015(SDN/QJ)-Iyadoo Maalinimada Jimcaha foodda inagu soo hayso booqashada Madaxwene Obama ee Dalka Kenya ku beegan tahay, ayey Diyaaradaha Militeiga Maraykanku bilaabeen inay dul heehaabaan Magaalada Caasimadda Nairobi.

lornShacabka Reer Nairobi, ayaa markhaati ka noqday hugunka iyo Guuxa diyaaradahaasi samaynayaan, waxana ay astaan u yihiin inuu Dalkaas kusoo dhaw yahay Ninka dunida loogu ilaalo badan yahay oo ah Madaxweyne Obama.

Diyaarad magaceeda la yidhaahdo Glaxy c6 oo ah kuwa adduunka u weyn ee xamuulka qaada oo ay leedahay dowladda Mareykanka ayaa diyaaradahan kasoo dejisay Jomma Kenyatta Airport.

Ammaanka madaxweyne Obama oo Jimcaha soo socda imaanaya Kenya ayaa ay ka qeyb qaadanayaan, waxaana ay gaadhayaa ilaa 8 diyaaradood oo aad hawada Kenya ugu dul socda tan iyo shalay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed