Diyaaradaha Aan Duuliyaha Wadan Oo Maraykanku Ka Iibin Doono Dalalka Somalia Deriska la ah Iyo Sababaha Keenay
Washington:Feb,19,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqday inay Diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee Meelaha fog wax ka duqeeya ay ka iibin doonto dalalka Geeska Afrika ee Somalia deriska la ah.
Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegay in ujeedada diyaaradaha Drones loo iibiyo ay tahay sidii loo wiiqi lahaa kooxaha argagixisada, sida Al-Qaacida, ISIS, Al-Shabaabka Soomaaliya iyo Boko Haram.
Mareykanka ayaa doonaya in si gaar ah in dalalka Suuriya iyo Soomaaliya diyaaradahan Drones-ka loogu adeegsado, si loola dagaalamo kooxaha Al-Shabaab, Al-Nusra iyo ISIS.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sababaha diyaaradaha Drones-ka loo iibinayo ay tahay, kadib markii uu arkay in Tartan uu kala kulmayo dhinaca Suuqa, gaar ahaan dalalka China iyo Israel oo bilaabay inay iibiyaan diyaaradaha Drones-ka.
Machad falanqeeya arrimaha argagixisada ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee Mareykanka haatan u qaaayo tallaabadan ay tahay sidii dalalka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, Afganistaan iyo Libiya la doonayo in diyaaradahan loo isticmaalo.
Qiimaha lagu iibiyo diyaaradaha Drone ayaa lagu qiyaasay ilaa 5.2 Billion, waxaana suura gal ah in sanadaha soo socda ay sare u kacdo oo ay gaadho lacag gaadheysa 11.6 Million.
Mareykanka ayaa weeraro cirka uu ka fuliyay Soomaaliya waxaa uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com