Diyaarada Itoobiya Airways oo Galabta Mar kale dib u bilowday Duulimaadyadeedii Hargaysa
Hargaysa 21.Sep 2013 (SDN)- Weftigii ka koobna xubnaha golaha wasiirada ee Somaliland ee maalmahii u dambeeyey ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, iyagoo la socday diyaaradda Itoobiyaan Air-Line oo duulimaadadeedii Somaliland dib u bilowday maanta,
Weftiga oo ka koobnaa wasiirada wasaaradaha Arimaha debadda Md maxamed Biixi Yoonis, Arimaha Gudaha Cali maxamed warancadde iyo Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayen Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle iyo taliyaha sirdoonka Qaranka ayaa galabta shantii galabnimo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ee magalada hargaysa, waxaana halkaa ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda. Iyagoo weftigu intaa ka bacdi u waramay warfidiyeenada
Wasiirka wasaaradda Arimaha debadda Md Maxamed Biixi Yoonis oo qolka nasashada ee garoonka dhexdiisa kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ay markii hore duulimaadadeedii u hakisay arimo dhinaca ammaanka ah laakiin baaqashadeedu aanay marnaba xidhiidh la lahayn garoonka caasimadda iyo arimo dhinaca farsamada ah toona.
Wasiirka arimaha debaddu waxa uu xusay inay magaalada addis-ababa kulan kula yeesheen dhinacyo badan oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha debadda ee dalkasi, ahna raysalwasaare ku xigeenka ayna ku qanciyeen in Somaliland aanay wax nabadgelyo darro ahi ka jirin, diyaaradii Itoobiyaan Air-Line ay si rasmi ah u bilowday duulimaadadeedii dhinaca Somaliland.
Dhanka kalena wasiirka arimaha debadu waxa uu sheegay in dawladda itoobiya ay si wanaagsan u soo dhoweysay isla markaana ay la yeesheen wadahadalo lagu sii xoojinayo xidhiidhka sokeeyanimo ee labada dal.
Md maxamed Cali warancadde wasiirka wasaaradda arimaha gudaha oo isna saxaafadda u warramay ayaa sheegay inay ku soo guulaysteen dhamaan arimahii ay u tageen dalka Itoobiya sida dib u soo celintii duulimaadadii diyaaradaha ee shirkadda Itoobiyaan Airline oo ay isticmaalaan dad badan oo qurbojoogta Somaliland ka mid ah
Md warancadde waxa uu ugu baaqay bulshada reer Somaliland in si wada jir ah loo ilaashado nabadgelyada iyo qaddiyadda Somaliland, dhinacna looga soo wada jeesto adkaynta dawladnimada iyo ka shaqaynta Horumarinta dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com