|

Diyaarada Itoobiya Airline oo uu Afduubay Duuliyihii Labaad kana Dejiyay Xarunta Switzerland ee Geneva

Geneva 17.Feb 2014 (SDN)- Duuliyaha labaad ee diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa afduubay diyaaradda, wuxuuna ku khasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

ethopiAfduubaha ayaa magangalyo ka codsaday dalka Switzerland kaddib markii ay diyaaradda degtay. Booliska Switzerland ayaa xiray asaga, mana jirto cid wax ku noqotay dhacdada.

Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa, waxayna u socotay magaalada Rome ee dalka Italy, balse waxay ku khasbanaatay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Geneva, sida lagu sheegay war qoraal ah oo soo saartay shirkadda duullimaadka Itoobiya.

Booliska garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in la xiray duuliyaha afduubay diyaaradda, iyagoo intaas raaciyay inuu xaalka caadi ku soo laabtay.

Saraakiisha ammaanka ee Switzerland ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maanta oo Isniin ah waxay sheegeen in afduubaha uu ka faa’iideystay mar duuliyaha koowaad ee diyaaradda uu galay suuliga, wuxuuna diyaaradda ka weeciyay duullimaadkii ay ugu socotay Italy isagoo u jiheeyay dhinaca Switzerland.

Kaddib markii ay diyaaradda degtay, afduubaha oo da’diisa lagu sheegay 30-jir ayaa ka baxay diyaaradda, wuuna is dhiibay. Booliska ayaa sheegay in afduubaha uusan hubeysneyn, isla markaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.

Geneva SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed