Diyaarad Yar oo Nooca Sawir qaada ee drone oo uu Gacmaha Ku qabtay ayaa Sabab u Noqotay Inuu Rumoobo Riyadiisii ahayd inuu Xajka tago
Makka Al Mukaramma 23. August 2017 (SDN/QJ):- Kadib markii dhawaanahan si xidhiidh loogu faafinayay baraha xidhiidhka Bulshada ee Social Media-ha loo yaqaano waxa ay warbaahinta Turkigu faahfaahin ka bixisay sida ay u dhacday qisada nin oday ah oo u dhashay waddanka Ghana ee Galbeedka Afrika kaasi oo kamaradaha duula ee Drone-ka loo yaqaanaa ay u suurto galisay in uu ka mid noqdo xujayda sannadkan soo gudanaysa waajidbaadka Xajka.
Telefishanka caalamiga ah ee Anatol ayaa faahfaahin ka bixiyey Hassanu Abadulhi oo u dhashay waddanka Ghana oo ah nin oday ah oo sabool ah kaasi oo ku noolaa deegaan ku yaalla badhtamaha waddanka Ghana.
Ninkan odayga ah qisadiisu u dhacay kadib markii Tv-ga caanka ah ee TRT uu barnaamij filim ah ka diyaarinaayay tuulo ku taalla dalka Ghana oo ay muslimiintu ku badanyihiin, balse waxaa ka dhacday in Kamaradda duusha ee loo yaqaano (drone) ay ku soo degtay goobtii uu ku sugnaa ninkan odayga ahi. Mid ka mid ah sawir qaadayaashii Kamaraddaasi wax ku duubayay ee Barnaamijka diyaarinayay oo daba socday duulimaadka kamaradda ayaa si kedis ah ula kulmay kamaraddii uu moodayay in ay dhulka ku dhacday oo uu labadiisa gacmood ku hayo nin oday ah oo miskiin ahi kaasi oo beertiisa iska dhex joogay. Ninkii sawir qaadaha ahaa oo uu markaasi la socday nin turjumaan ahi ayaa waxa uu ninkii turjumaanka ahaa uu odaygii waydiiyey sida uu u qabtay diyaaradda waxaanu odaygii si deggan u yidhi: “Diyaaraddan yar xajka ma ku tagi karaa?””!!!!
Sawir qaadihii Turkiga ahaa markii loo turjumay hadalka odayga aadbuu u qiirooday waxaanu isla markiiba hadalkii odayga iyo qisadan soo dhigay degelka uu ku leeyahay mareegta Twitter-ka. Taasi oo markiiba ay ninkii sawir qaadaha ahaa la soo xidhiidhay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkig, gaar ahaan wasiirka Arimaha dibedda ee Turkiga oo la xidhiidhay safaaraddiisa dalka Ghana.
Wasiirku waxa uu safaaradda ku war geliyey in uu isagu qabo kharashka odaygaasi ku tagi karo xajka ee ay u soo fududeeyaan dhukumanti uu ku iman karo Istanbul kadibna loogu diri karo dhulka Barakaysan ee Sucuudiga si uu halkaasi ugu soo guto waajibka xajka ee sannadkan.
Oday Hassanu Abadulhi ayaa toddobaadkan ka soo degay Magaalada Istanbul kadibna uga sii gudbay Magaalada Makka Al Mukaramma isaga oo ka mid noqday dad si gaar ah Turkigu sannadkan uga bixiyey Gudashada waajibaadka Xajka waxaana la filayaa in marka uu ninkaasi odayga ahi soo dhammaysto xajkiisa uu si toos ah u tagi doono waddankiisii Ghana isaga oo waliba qaddar faro lab ah oo lacag ah ka heli doona dawladda Turkiga.