|

Diyaarad dagaal oo ku burburtay Magaalada Ariha Ee Wadanka Suuriya

Idlib,4Aug,2015(QJ/SDN)-Diyaarad dagaal oo ay lee dahay Dowladda Suuriya, ayaa waxay maanta ku burburtay Waqooyi Galbeed Ee Magaalada Ariha. Ariha waxay ka tirsan Maamulka Idlib.

Diyaaraddu waxay ku soo dhacday suuq halkaasi ku yaala, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 27 ruux, tiro kalana waa ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijiyen dadkii halkaasi tagey. Soo dhicistu diyaaradda waxay timid, xilli ay hawlgal duqeymo ah ku guda jirtay.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa sheegay in suuqa ay ka buuxeen dad ganacsato ah iyo maacaamiil, waxay ka hadleen qarax burbur gaystay. Waxay sheegeen dhismayaal badan inay burbureen, dad badanna ay ku hoos jiraan burburka.

Dad si iskood ah isku soo xil qaamay, ayaa gacan u fidiyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay soo dhicista diyaaraddu, waxayna dadka qaar oo xaalad garaab ah ku sugnaa ula carareen goobaha caafimaaka.

Dowladda Suuriya waxay ka hortageysaa hujuum xoog badan leh oo kaga imaanaaya Islaamiyiinta, waana taa midda keentay inay bilowdo duqeymo ka dhan ah.

Dowladda oo horey ugu xooganeyd Waqooyiga Suuriya, ayaa mooddaa in xaalku uu sidaa iska bedelay, markii bishii May ay mucaaradku la wareegen Magaalada Idlib.

DIYARAD

Comments are closed