|

Diyaarad Daawo Gaysay Burco oo Fashilisay Iska War hayn La’aanta Wasiiradda & Maamulka Xukuumadda Siilaanyo Iyo Raali Gelin uu Diray Wasiir Xaglo Toosiye DAAWO

Burco 05. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye oo raalligalin siiyay wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan; “Waxaan rabaa inaan halkan ka saxo khalad dhacay oo ku dhacay Mis-communication sida madaxda kaleba sheegtay diyaarad bay wasaaradda caafimaadku sugaysay  diyaaraddaas oo aan sugaynay ayaa waxa noo timid diyaarad kale oo dawo ah oo uu soo iibiyay wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan anna waxaanu u qaadanay haddaanu nahay wasaaradda caafimaadka iyo haddaanu nahayba gobolka inay tahay tii aanu sugaynay arrintaasi khalad kaas bay ku dhacday wasiirka waan u mahadnaqaynaa, waana u hambalyeenaynaa, waana ka raalligalinaynaa khaladkaas aan lagu talogalin.”

 

Hadaba Shixnada Daawada ah ee Diyaaradu Siday ayaa Waxaa Keenisteeda lahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed Mareexaan.

Comments are closed