|

“Dilka Saraakiishu Wuxuu Marayaa 20 Intii Xukuumadani Taladda Haysay” Xildhibaan Siciid Warsame Gaane

Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedayay inay dalkii iyo dadkii midaysnaa ee loo dhiibay xabad isugu dhiibay, Isla markaana wuxuu sheegay in xukuumadu ku kacday khiyaamo qaran. Xildhibaanku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka SBC.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi; “Xukuumadda waxaan aaminsannahay, marka la eego qarannimaddii Somaliland inay khiyaamo cad gashay, shacabkan khiyaamaysay. Iyadoo toos ugu badheedhay inay lumiso gooni isu-taagi Somaliland, shacabkuna waa eeganayaa oo ictiraafkii iyo gooni isu-taagi Somaliland ayaa iyanna hadal daysay. Waxa meesha ka baxay saaxiibo badan oo ololayn jiray Somaliland, waxa meesha ka baxay xidhiidhkii Somaliland iyo midowga afrika, waxa meesha ka baxay xidhiidhkii waddamada geeska iyo Somaliland. Waxa inagu soo hadhay dilaalis carbeed iyo wadahadaladda Somaliland iyo Somalia ee isku darka.”

Sidoo kale, Xidhibaan Siciid Gaane wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi;“Xaaladda nabadgalyo maalin walba qof baa la dilaa, shacab baa la dilaa, meel baa isku yaacda. Dilka saraakiishu waxay marayaan 20 intii ay xukuumadani haysay, taasi waxay caddaynaysa dabaca maamul iyo ciidan iyo maamul xumo ee ka jirta xukuumadda, iyagoo bilaa darajo ah ayaan la kari jirin wax is-dilayaa oo ay kala amar qaadan jireen.”

Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Markaad eegto waddajirka, midnimadda, shacabka iyo kalsoonida, waxa lagu wareejiyay dad iyo dal is ogol oo yuhuun iyo rejo ka qaba Somalilandnimo iyo qaranimo, maanta waxay maraysaa kala dhimasho oo beelba beeshii ku xigtay ayuu ku dhuftay, laba meelood oo isu uurfayoobi ma jiraan, sidaasuu isugu jarjaray dadkii xabad miidhanna wuu isugu dhiibay. Xukuumadda Siilaanyo iyada oo aan afartan bixin ayay weerartay Kalshaale.”

Comments are closed