|

Dildilaacii Xisbiga Kulmiye oo sii Kordhaya iyo Ergadii Guurtida oo Kulankii labaad Maanta la Leh Madaxweyne Siilaanyo

Sawirka Amin Amir iyo feedhtanka KulmiyeHargaysa 28.May 2014 (SDN/QJ)-Garabka sida weyn uga soo horjeeda Muuse Biixi oo maanta saxaafada isugu yeedhay Hotel Amabasador ee magaalada Hargeysa ayaa ka baaqsaday inay ka hadlaan ujeedada ay saxaafada isugu yeedheen.

Warar hoose oo naga soo gaadhay ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in ay is casilaad ku dhawaaqaan qaar ka mida guddigii fulinta ee uu dhawaan Muuse Biixi Cabdi magacaabay, in kastoo qaar kood lagu dhex arkaayey xayndaabka Hotelka.

Ilaa hada si rasmiya daboolka loogama qaadin xubnaha guddiga Muuse iska casili doono, iyadoo ay dhabar jab ku noqon doontaa hogaanka Kulmiye ee uu hogaaaminaayo Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafka cirka isku shareeray ee xisbiga KULMIYE ayaa maalinba maalinta ka dambaysay sii xoogaysanayaa, in kastoo la dareemaayo waan waan ay guurtida ka dhex wado labada dhinaca ee Kulmiye u kala Jabay.

Geesta kale Gudidii Golaha Guurtidu u Xilsaaray soo afjarida Khilaafka Kulmiye ayaa Kulankoodii  labaad waxay maanta la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo kaas oo ahaa Mid ay albaabadu u Xidhnaayeen,Sidoo kale Waxaa Saaka uu Madaweyne Siilaanyo uu Kulan gaar ah la qaatay ergo ka socotay bariga burco.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed