Dilalkii Gaarisa Oo Lagu Eedeeyey Jabhad Dagaal Kula Jirta Ethiopia
Gaarisa:July,12,2014(SDN/QJ)-Kenya ayaa sabab la yaab leh u samaysay Dilalka ka soo cusboonaaday Deegaanka Gaarissa oo maalmihii ugu dambaysay lagu dilayey Dad Caan ah.
Booliska Deegaanka Gaarisa ayaa sheegay inay Dilalkaas ka dambeeyaan Xooggaga ONLF ee Dagaalka kula jira Xukuumadda Ethiopia.
Taliyaha Ciidamada Booliska Garrissa Charles Kinyua ayaa sheegay in dilkii loo gaystay ganacsade Xasan Yuusuf oo 48 sano jir ahaa, kaas oo lagu toogtay Dukaan uu ku lahaa Magaalada Garissa ay baadhitaan kadib ogaadeen in ay dilkaas fulisay Kooxda ONLF ee ka soo horjeeda dowlada Ethiopia .
Hadalka Booliska Dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya Iyadoo Dilal siyaabo kala duwan ay uga dhacaan qeybo ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.
Xoogagga ONLF, ayaa muddo dheer dagaal kula jirey Xukuumadda Ethiopia, waxase ay cadho ka qaadeen xubno ka tirsan oo dhawaan Kenya gacanta u gelisay Ethiopia, waxana taasi keentay shaki kala dhex gala labada dhinac.
SDN/QJ