Dilalka Dhaliinyarada Soomaalida ee Kanada — Fariin muhiin ah oo ku socota Soomaalida Qurbaha
Ottawa July 04,2015(SDN/QJ)-Wiigii tagay ee bishan Ramadaanta oo kaliya Soomaalida Kanada degan waxa laga dilay 4 dhalinyaro ah. Lixdii bilood ee la soo dhaafayna dhaliinyarada la dilay ee Soomaalida ahi waa ilaa labaatan (20). Dhibaatada dhaliinyarada ama iyagu wax dila ama iyaga la dilayo waa mushkilad haysata Soomaalida degan wadamada Galbeedka. Waa mushkilad in ay jaaliyadaha Soomaaliyeed si furan uga doodaan waxa keenaya iyo sidii looga gudbi lahaa.Sheekh Siciid Cali Axmed waxa uu inala wadaagayaa uu u arko asbaabta keenta mushkiladan iyo sidoo kale qaar ka mida xalalka in arinkan wax looga qaban karo.