Dilaaliinta Sayladda Xoolaha: “Waa murugo iyo gumaad Xoolaha lagu hayo in maalin walba Hargeysa lagu qalo 350 Neef oo dhalaya, 350-ka Calooshooda laga saarayna…”
Hargeysa 04, August 2012 (SDN)- Qaar ka mid ah dilaaliinta iyo dadka ka ganacsatada sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayaa walaac ka muujiyay wax ay ugu yeedheen gumaad xoolaha lagu hayo.
Axmed Cismaan Cige (Axmed-Buur) oo ka mid ah dilaaliinta sayladda Xoolaha caasimadda Hargeysa oo waraysi gaar ah siiyay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa uu sheegay in maalin kasta qiyaastii 350 neef oo dhalaya lagu qalo kawaanka qalliinka Xoolaha, taasoo uu ku tilmaamay gumaad ka dhan ah xoolaha Somaliland.
Axmed-Buur waxa uu sheegay, in wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo guud ahaan xukuumadduba ka gaabisay inay joojiso dabar-goynta lagu hayo xoolaha nool, wuxuuna sheegay inay wax laga xumaado tahay in maalin kasta xoolaha la qalo calooshooda laga soosaaro kuwo kale, lana tuuro.
Shabakaddu waxay u kuurgashay arrintaas, waxayna baadhitaan ay samaysay ku xaqiijisay nidaamkan ka dhanka ah xoolaha, iyadoo inta badana dadka xoolaha riman soo iibiya ay baahiyuhu ku kelifaan. Sabtida maanta, waxa Sayladda xoolaha ee degmada Maxamuud-Haybe joogay xoolo badan oo riman oo qalliin ahaan loo iibsanayay, xilli ay dhawr ka mid ahi ku dhex dhaleen sayladda.
Haddaba, halkan ka dhegayso waraysigan, kana boggo sawirada.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/buur.MP3″]
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com