|

Dilaal Burcad badeed oo xabsi daaim Mareykanku ku xukumay

Norfolk April 28,2012(SDN)-Xeer beegti dhegeysatay dacwad lagu soo oogay nin dilaal u ahaa Burcad badeed afduubatay dad Mareykan ah ayaa lagu riday xukun Ganaax iyo xabsi daaim isugu jira.

Maxamed Saali Shibin ayaa lagu helay denbiga ah in gacan ka geystay afduubka markabkii SV Q uest oo laga qafaashay xeebaha dalka Cumaan.

Ninkan ayaa dilaalka afduubkan ka helay aduun dhan $30 kun oo dollar.

Dhacdadan afduubka ah ayaa lagu soo qafaashay afar ruux oo markii danbe ay burcadu toogatay.

Shibin ayaa ciidamada amniga ee FBIdu sanadii 2011kii ka soo qabatay dalka Soomaaliya.

Iminkana waxa uu filan karaa xabsi daaim,marka goaanka ay maxkamadu gadho bisha August ee ina soo heysa.

Soomaalidii Burcad aheyd ee afduubka gacanta ka geysatay ayaa qudhooda la soo qabqabtay mareykankana lagu maxkamadeeyay.

Dhamaan buracada waxa xiliyo kala duwan lagu helay danbiyo lagu soo oogay.

SDN-Norfolk

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed