Dil Toogasho ah Oo Saaka Lagu Fuliyey Afar Nin Oo Alshabaab ka Tirsanaa
Muqdisho:Jully,24,2014(SDN/QJ)-Wararka saaka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada qalabka sidaa ay Dil toogasho ah ku fulisay Afar nin oo ku eedaysnaa Al-shabaabnimo.
Afarta Nin ee Saaka Aroortii la dilay, ayaa hore maxkamaddu ugu xukuntay Dil Toogasho, waxana ay tilmaamtay inay ku heshay Falal Dad lagu laayey oo dhammaantood ka dhacay Goobo ku yaalla Muqdisho.
Dhanka kale Toogashada ayaa ka dhacday Dugsiga Sare ee Genaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka,waxaana Goobjoog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda Falka qisaasta markhaati ka ahaa.
Afartaan Qof ee lagu eedeyay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ee Saaka la Toogtay ayaa kala ah,Laba nin hore u dilay Askari ka tirsan Ciidamada XDS,Shaqsigii soo abaabulay Qaraxii Maka Al-mukaramma ka dhacay iyo mid kale oo Degmada Deyniil Ciidamadu ay ku soo qabteen isagoo Hoobiyaal wada.
Toogashadan ayaa dhacday Subaxii hore ee Saaka, waxana ay qayb ka tahay olole cusub oo lagu laynayo dadka shabaabka ku eedaysan ee Jeelasha ku jira oo dad badani cabasho ka keeneen inaan la dilin ee lacago lagu sii daayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com