|

Dil Muqdisho Loogu Geystay Xildhibaan Maamulka Puntland Katirsanaa Oo Dhalasho ahaan Somaliland kasoo Jeeda

Muqdisho:April,18,2015(Himilo)-Magaalada Muqdisho waxa Maanta Kooxo hubaysan oo aan Haybtooda la aqoonini Toogasho ugu geysteen Mudane katirsan Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland oo la sheegay inuu Halkaas Arrimo Caafimaad u joogay.

uucEebbe ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Yare waxaa uu Kasoo jeedaa Deegaano ku yaalla Gobolka Sool ee Gudaha Somaliland, waxana uu in muddo ah kasoo mid ahaa Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Waxaa hore magaalada Muqdisho loogu dilay xildhibaano fara badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaliya, balse xildhibaan Aden yare waxaa uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyey ee ka tirsan  Maamulka Puntland oo lagu dilo caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Maamulka Puntland, ayaa wali wax war ah kasoo saarin dilka loo geystay Mudahanahaas, waxase la filayaa in cambaarayntiisu soo baxdo, isla-markaana la diyaariyo aaskiisa.

Dhawaanahan waxa caado noqotay inn mudanayaasha katiran Baarlamaanak Somalia lagu laayo Magaalada Muqdisho, balse dilkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyey ee Xildhibaan aan Baarlamaanka katirsanayn loogu geysto Gudaha Muqdisho.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed