|

Dil Dilaaca Xisbiga Kulmiye oo ka dhex Curtay Gudidii qaban qaabada,Damaca Siyaasiyiinta, iyo Kalsooni daro soo kala dhex gashay dhinacyada ku loolamaya Hogaanka Xisbiga {DAAWO}

Hargaysa 30.October 2013 (SDN)- Gudidii Qaban qaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta waxaa soo kala dhex galay Khilaaf Mugdi gelinaya is aaminka iyo Kalsoonida u dhaxaysa Xubnahan oo Guud ahaan isku dhan 27 Xubnood isla markaana dhawaan la magacaabay .

Gudidan ayaa u kala Jabtay laba Garab inkasta oo aan la shaacin dhinacyada ay kala taageerayaan marka loo eego Murashixiinta Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Gelinkii hore ee maanta ayaa Aqlabiyada Gudidan oo Shan iyo Toban Xubnood ka Koobani ay damceen inay fadhigoodii 1aad ku yeeshaan Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye hasa yeeshee waxay taasi ka Cadhaysiisay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo albaabada ka xidhay Xubnahan hasa yeeshee taasi ma ay Joojin inay Shiraan Gudidani waxaanay fadhi ku Yeesheen Dhisme Gaar ah iyagoo halkaas ku doortay afar xubnood oo noqonaya Hogaanka Gudida qaban qaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye .

Geesta kale Xubin ka Mid ah Gudida qaban qaabada oo ah Xildhibaan Ibraahin Kacaan oo uu Weheliyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa shir ay warbaahinta galabta ugu qabteen xarunta xisbiga Kulmiye waxay sharci daro ku tilmaameen doorashadaas oo ay ku sheegeen inay ahayd mid baal marsan Distoorka dalka iyo Xeerarka Xisbiga .

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa dhiniciisa ka sheegay in dib loo dhigay fadhi ay isugu yimaadaan Gudida Qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Shabakada Qurbejoog.com waxay halkan idiinku soo Gudbinaysaa dhamaanba dhacdooyinkii Maanta uu ku kala jabay Gudidii Kalsoonida la siiyay ee qaban qaabada Shirweynaha Kulmiye oo Khilaafkoodu uu salka ku hayo damaca Siyaasiyiinta ku hirdamaysa Hogaanka Xisbiga Kulmiye.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed