Dil Dilaaca Kulmiye:Mas’uulkii u Sareeyay Hay’ada Horumarinta Wadooyinka Somaliland oo ku Dhawaaqay inuu u Sharaxan yahay Kursiga Madaxweyne Ku Xigeen DAAWO
Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ)- Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharraxa Madaxwayne ku xigeenka isla-markaana uu ka dhex tartamayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo loo muddeeyay 10-ka bisha November ee foodda innagu soo haysa.
Maareeyaha hay’adda Waddooyinka Somaliland oo Shir-jaraa’id Xalay ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu wax badan oo dhanka horumarka ah ka qabtay Somaliland, sidaa daraadeedna la gaadhay xilligii uu Madaxwayne ku-xigeen ka noqon lahaa dalka.
Xasan Cali Cismaan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa ii sharaf ah inaan Bah-weynta Somaliland aan u sheego inaan ahay Musharrax u taagan jagada Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE waxaanan ku xigeen u ahay Ciddii ku soo baxda