|

Diiwaangelintii Muwaadiniinta Burco Laga Waday Oo Istaagtay, Lacagtii Shaqaalaha Oo La Lunsaday Iyo Shacabka Oo Meehanaabaya Goobihii Xidhmay

Burco:Mar,23,2015(SDN/QJ)-Gebi ahaanba waxa istaagtay Diiwaangelintii Muwaadiniinta oo haatan laga waday Gobolka Saaxil, waxana Suuqa iska galay Shaqaalihii Hawsha waday, kadib markii ay waayeen Lacagihii ay qaadan jireen ee mushaharka ahaa.

burooSidoo kale waxa la sheegayaa inay Go’een Waraaqihi iyo dhamaanba agabkii diiwaangelinta lagu waday ee shaqaalahaasi gacanta ku hayeen.

“Waxaan doonayay inaan iska diwaan-geliyo goobtan Guriga cuqaasha Gobolka,  waanay xidhantahay. Maamulka Gobolka ayaannan ku eeddeynaynaa inuu xidhay goobaha Diwaan-gelinta”sidaasi waxa Warbaahinta  u xaqiijiyey Axmed Muuse Xasan oo kamida Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco ee ka biyo-diiday hakadka ku yimi howsha Diwaan-gelinta ee Gobolka Togdheer. Sidoo kale, Dad badan oo Warbaahinta ugu waramay goobaha la xidhay ayaa iyaguna dhaleeceeyey qaflada la saaray, taasoo ay Xukuumadda ku dhaliileen.

Geesta kalena, Wararka ka imanaya Magaalada Berbera ayaa sheegaya inay Shaqaalaha Diinwaangelinta ka wada Gobolka Saaxil, ayaa ka cabanaya Musharaadkii loogu talo-galay oo ka maqan muddo laba Bilooda.

Shaqaalaha, ayaa Mushahar la’aanta ku eeddeeyey  Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, oo ay sheegeen inuu ka lunsaday 2 Bilood Mushaharkood ama uu  ka sag-saagay, ‘Maadaama uu ku tiraabayo marka ay u yimadaan Beri kaalay, Beri aan Dhammaanay-ba,sida cabashada u dhigeen.

Shacabka ayaa la arkayaa iyagoo meeraysanaya Goobaha xidhmay ee Diiwaangelintu ka socotay, waxana ay si weyn ugu xiise qabaan  inay isdiiwaangeliyaan, balse waxa ay la’yihiin ciddii u qaban lahayd adeegga ay xaqa u lahaayeen.

Geesta kalena qaar ka mid ah shaqaallaha hawshan waday oo aanu la xidhiidhnay,  ayaa noo xaqiijiyey inaanay Muddo 2 Bilood ahba wax mushaahar ah qaadan, iyagoo intaa ku daray inay kharash la’aan taagan yihiin oo ay qaarkood magaalooyinka qariib ku yihiin, waxanay sheegeen in cuntooyinkii iyo Hoteladii lacagtoodii lagu leeyahay, isla markaana aanay haynin waxay iskaga bixiyaan, marka ay la haddlaan masuuliyiinta Gobolka ee Fahmi ugu sareeyona aanay Jawaab ay ku qancaan ka helin.

Wararka ka imanaya Magaallooyinka Gobolka qaar ayaa sheegaya in goobaha qaarkood la xidhay, kaddib markii ay shaqaalluhu sii wadi kari waayeen howsha kharash la’aan darteed.

waxa kale oo iyana aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay qaar ka mid ah madax Dhaqameedyada Gobolka Saaxil ee hawshan Diiwaangelinta ka qayb-qaadanaya, kuwaasoo  iyaguna dhankooda caddeeyey inaan la siin Mushahar muddada labada bilood ah.

Lunsiga Lacagtii Wacgelinta Bulshada iyo Gaadiidka:

Sidoo kale Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Bebera ayaa sheegaya in gebi ahaanba lagu takri-falay lacagtii Wasaaradda Daakhiligu u qoondeysay Wacyigelinta bulshada iyo weliba Kharashkii Gaadiidka Shaqaalaha iyo agabka u kala qaadayey Deegaanada Gobolka Saaxil, arrinkaas oo isagana eeddiisa dusha laga saaray masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

Ma jirto wax jawaab ah oo ay Wasaaarada Arrimaha Guduhu ka bixisay caqadabaha kala duwan ee hakadka geliyey howsha Diwaan-gelinta oo gobollada qaar muddo kooban ka socday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed