Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Somaliland oo la sheegayo inaanay Sannadkan Hirgalayn iyo Cabsi haysata Komiishanka doorashooyinka.
Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Waxaa laga Walaacsan yahay Sidii ay Somaliland uga Dhaqangeli lahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka oo Komiishanka doorashooyinka Somaliland ay bishii April ee Sannadkan Iclaamiyeen inay qabsoomi doonto bisha Sagaalad ee soo Socota.
Komiishanka ayaa hore u sheegay in gebi ahaanba la bedelayo qaabkii diiwaangelinta oo markii hore ahayd mid uu qofkasta oo gaadhay da’da Codayntu uu fartiisa ku saxeexayay Xogta lagu diiwaangeliyay hasa yeeshee Waxay Komiishanku taas ku bedeleen in la sawiro bu’da Isha taas oo ay ku doodeen inay ka Khaladaad yar tahay tii hore ee Muranka badan dhalisay,iyagoo ku tiiqtiiqsaday in nidaamkan Cusubi uu sahli doono inaanu qofna qaadan Kaadhka uu Xaqa u leeyahay wax ka badan.
Tijaabo diiwaangelineed oo loogu gogol xaadhayo hirgalinta habkan cusub ayaa laga qabtay Magaalooyinka Hargaysa iyo Baki hasa yeeshee Ilo wareedyo ku dhow dhow Xubnaha Komiishanka doorashooyinka qaranka ayaa Qurbejoog.com u Sheegay in gebi ahaanba uu fashilmay hindisahan oo ay xuseen in aanay markii horeba ku wada qanacsanayn Todobada Xubnood ee Komiishanku ka Kooban yahay oo qaarkood ay u arkayeen mid aan ka shaqayn karin Somaliland.
Dhinaca kale Sida ay Wararku Sheegayaan Komiishanka ayaa ka Werwersan inay ku sii nagaanayaan Garsoorka doorashooyinka, Maadaama ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland hore u cadeeyeen Mawqifkooda isla markaana sheegeen inay daruuri tahay sidii loo heli lahaa Gudi maamusha doorashada oo haysata Kalsoonida dhinacyada ku tartamaya sida labada xisbi Mucaarid iyo Xukuumada.
Xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa soo jeediyay in la kala diro Komiishankan oo ay ku eedeeyeen Mid dalka u soo waariday natiijooyin halis gelin gaadhay xasiloonida dalka gaar ahaan doorashadii Golayaasha deegaanka.
Todobada Xubnood ee Gudida Doorashooyinka ayaa waxaa soo kala Xula Laba Xubnood oo Golaha Guurtidu soo magacaabaan, Laba Xubnood oo Labada Xisbi Mucaarid soo Xulaan iyo Sadex Xubnood oo Madaxweynuhu soo Magacaabo,Hasa yeeshee Waxay amuurtani u Cuntami weyday Labada Xisbi Mucaarid oo iyagu soo jeediyay in la Kordhiyo Tirada Xubnaha Komiishanka oo laga dhigo 9 Xubnood si ay Sadexda Xisbiba u soo magacaabaan Mid Sadex Xubnood,Taasina ay u baahan tahay in laga xalaaleeyo Golaha Wakiilada .
Isku soo wada duuboo Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa Wararku sheegayaan inay ku hawlan yihiin sidii ay Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada ugu Gudbin lahaayeen dib u dhaca Khasabka ah ee ku imanaya hirgalinta nidaamka diiwaangelineed ee Codbixiyeyaasha .
Hargaysa SDN/QJ