Diiwaan-gelintii Codbixiyeyaasha Ee Gobolka Maroodi-jeex Oo Horay Loo Soo Dhigay iyo inta Goobood ee ay ka bilaabmi doonto
Hargeysa, 20, 4,2016 (QJ/SDN) – Diiwaangelintii codbixiyayaasha ee gobolladii hadhsanaa kuwaasi oo muddo bil ah dib loo dhigay xaaladd abaareed oo dalka lasoo deristay awgeed ayaa la filayaa in ay dhawaan dib u bilaabmato, iyadoo laga soo horumarin doono xilligii markii hore loo qoondeeyay.
Diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex ayaa la sheegayaa in ay bilaabmi doonto 30 bisha April halkii markii hore loogu ballansanaa in ay bilaabmato 2 bisha May, taasi oo ka dhigan in horay loo soo dhigay muddo laba Maalmood ah.
Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee diiwaan-gelinta horay loogu soo dhigay muddadaa labada maalmood ah, wallow wararka qaar ay sheegayaan in ay tahay arrin farsamo.
Dhanka kale, Warbaahinta Qurbejoog ayaa ogaatay tirada inta goobood ee laga bilaabi doono diiwaangelinta Codbixiyayaasha degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, tiradaasi oo gaadhay 159-goobood isku dar degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, iyadoo degmada Hargeysa oo qudha la iska diiwaan-gelin doono 132-goobood halka degmada Sallaxley la iska diiwaan-gelin doono 29-goobood.