|

Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxtinimo ee Hirshabelle oo ka socda Magaalada Jowhar & Ciidanka AMISOM oo la Wareegay Goobta Doorashadu ka Dhacayso

Jawhar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa  ka socda Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxtinimada ee maamulkaasi u sharaxan inay xilka ka qabtaan.

Ilaa hada waxaa la diiwaan galiyey 6 kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtimimada maamulka Hirshabelle kuwaas oo dhawaan laga dhagaysan doono  inay soo bandhigaan waxqabadkooda madaxtinimo.

 

Dhankale Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wali ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Hirshabeelle.

 

Ammaanka guud ee xarunta Doorashada maamulkaasi ay ka dhacayso iyo guud ahaan magaalada Jowhar ayaa aad loo adkayey waxaana ku wareegaya ciidamada Amnaanka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyagoo magaalada ka wadda hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga degmada

 

Geesta kale Xarunta Doorashada ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa  waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kuwaas oo sugaya amniga xarunta doorashadu ka dhacayso dhawaan.

 

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay in si rasmi ah ammaanka hoolka loogu wareejiyay ciidamada AMISOM lagana wareejiyay Ciidankii Dowlada ee halkaasi ku sugan ilaa inta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Cusub ee Hirashabelle.

 

Gudiga Doorashada Maamulka Hirshabelle oo u badan Xildhibaano ayaa horay u sheegay inay dhacayso doorashada Madaxweynaha Cusub 12 Bishan aan ku jirno taas oo dhacaysa magaalada Jowhar iyadoo laga dareemayo magaalada Diyaar garow badan.

 

Qaar kamid ah waxgaradka ayaa shirjaa,id ay ku qabteen magaalada Jowhar waxay sheegeen inay degmada Jowhar kusoo qul qulayaan marti sharaf aad u tirabadan haatana ay buux dhaafiyeen Hoteladii ku yaalay degmada.

 

Sida ku cad Warqadii dhawaan kasoo baxday Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle muddo 7 Barri ah ayaa ka dhamin xiligii si rasmi ah ay u dhici lahayd doorashada iyadoo degmadasi ay gareen ciidamo aad u farabadan kuwaas oo hawlgalo loogu gogol xaarayo nabad galyada ka bilaabay.

Comments are closed