|

‘’Diiwaan Galinta Codbixiyayaashu Waxay Dalka Ka Bilaabmaysaa 16/01/2016.‘’ Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa,3Jan,2015(QJ/SDN)-Digreeto kasoo baxday aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu muddooyay xilliga ay dalka ka bilaabmayso diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalka ka dhici doona 2017ka.

Haddaba, warsafaxaafeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u dhigna sidan;

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:           Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Tixgeliyey:    Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;

Wuxuu Go’aamiyey

In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.

ALLAA MAHAD LEH

Comments are closed