Digniin Cusub Oo Iran Kasoo Saartay Hujuumka Sucuudigu ku Qaaday Shiicada Reer Yemen
Tehran:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Iran ayaa kadigantay Weerarrada suucudigu hoggaaminayo ee lagu qaaday Shiicada Xuutiyiinta ee Talada Dalka Yemen la wareegay, waxana ay tilmaamtay in caqaaqibka arrintaasi dhibaato keeni doono.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Iiraan Mohamed Javad Zarif oo arrintaas ka Hadlay, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu hayo shiicada reer Yemen, waxana uu tilmaamay in arrinta meel kale xalkeeda laga dayo.
“Falal guracan oo Milateri oo Shacabka Yemen lagu baneysto dhiigoodda iyo weerar cirka ah oo dad rayid ah lagu laayo xal ma-aha,waana in la joojiyaa weeraradda Yemen lagu qaaday”ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Iiraan oo ka cadhooday weerarka Sacuudiga horkacayo ee saldhiyadda Xuutiyiinta Yemen lagu qaaday.
Wasiirka ayaa ugu baaqay Kooxaha Yemen isku haya inay heshiiyaan oo tanasaaulaad la yimaadeen,waxaana uu ka digay dagaalka Yemen lagu qaaday inuu ku fidayo Bariga-Dhexe,hadii aan la joojin weeraradda Yemen lagu qaadayo.
Hadalkan kasoo baxay Waddanka Iran, ayaa ka dambeeyey weerarro cirka ah oo sucuudigu hoggaaminayo, kuwaas oo lagu ekeeyey Goobaha Xuutiyiinta Yemen ku sugan yihiin.
SDN/QJ