Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha oo Canbaareeyay Dilkii Waxashnimada ahaa ee Weriye Timcade
Nairobi 29.October 2013 (SDN)- Hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Bariga Afrika ayaa ka hadashay dilkii dhowaan Muqdisho loogu geystay weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde.
Madaxa Hay’adda Dr. Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka weriye Tima-cadda, isaga oo tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo nahda suxufiyiinta ee u ka tagay marxuumka.
Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in weli ay sii socdaan falalka lagu ugaarsanayo weriyeyaasha ka howlgala gudaha waddanka Soomaaliya.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay dammaanad qaaddo ammaanka dadka ka shaqeeyaarrimaha xuquuqul insaanka iyo war-fidiyeennada Soomaaliyeed ee jooga gudaha waddanka.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com