Dibudhac Ku Yimi Safarkii Madaxweyne Erdogan Ee Maanta Muqdisho Uga Qorshaysnaa Iyo Madaxtooyada Soamlia Oo Sharraxaad Bixisay
Muqdisho:Jan,2015(SDN/QJ)-Waxa dib u dhac ku yimi safarkii madaxweynaha Turkigu maanta ku iman lahaa Magaalada Muqdisho oo si weyn loogu diyaar ahaa, iyadoo sababta keentayna ay madaxtooyada Somalia sharraxaad ka bixisay.
Afhayeenka Madaxtooyada Somalia Da’ud Aweys oo la hadlay warbaahinta xukuumadda, ayaa caddeeyey inuu dub u dhac ku yimi safarkaas madaxweynaha, isla-markaana ay sababtu tahay Geerida xalay ku timi Boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis.
Afhayeen Daa’ud, ayaa xaqiijiyey in Madxweyne Erdogan uu ka qaybgeli doono Aaska Boqorka Sucuudiga, kadibna uu Iman Doono Somalia oo safarkiisu uga qorshaysnaa.
magaalada Muqdisho ayaa 48 dii saac Ee la soo dhaafay waxaa ka muuqanayay Diyar garow Xoog leh oo loogu jiray Soo dhaweynta Madaxweynaha Dalka Turkiga waxaana hadda la filayaa in Marka Aaska Boqorka uu ka soo qayb qaato Madaxweyne Erdogaan uu Socdaalkiisa Bariga Afrika ku soo Gaaro caasimada Somalia Ee Muqdisho.
Turkiga ayaa waxa uu kamid yahay dalalka ugu waaweyn ee Islaamka, waxana taasi muhiim ka dhigtay inuu Madaxweyne Erdogan uu Go’aansado inaanu ka maqnaanin Aaska Boqorka Sucuudiga.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com