|

DIBUDEJINTA SELEL, DEKED SAYLAC BAA HAYSA!

Labo sanno ayaa ka soo wareegtay murankii doorashooyinka degaannada Saylac iyo Lughaya.Tabashadii Ciisaha Barina, weli dawo looma helin. 
 
Dibudejintii Ciisaha lagu haasaawiyeyna, dhalaanhababis baa ay ahayd. Waxgaradna waa iska ogaa in aan biyo la gaadhayn. Sabaalayntii wadajirka Jabuuti iyo Hargeysa looga soo maleegay, sed uma noqon Ciise Bari. Dhan ay salaaddu ka xidhmi weydayba, “Dhedo, roob noqon weyday!”
 
Haddiise daacad laga yahay, labada dowladdood DAWO ma waayeen. Dawada “dibudejintu” weli gondohooda ayaa ay ku jirtaa. Inta Lughaya iyo deked kalluumaysi la isku siyaasadaynayo, DAWADA dibudejintu ubucda SAYLAC taal!
 
DAWO waa DEKED SAYLAC laga dhiso. Maxaa diiday mid u dhiganta ta Berbera ama Jabuuti? Deked labada dal wadajir uga hirgeliyaan — oo weliba ITOOBIYA lagala kaashado hindisaha, qorshaha iyo maalgashigaba — ayaa DAWO u noqon lahayd dibudejinta dicisowday. Ciisaha xeryaha qaxootiga Jabuuti ku sugan ilaa bilowgii sagaashanadii– iyo qaar kale oo badan — ayaa ganacsi iyo shaqo-raadis ugu soo qululi lahaa SAYLAC. 
 
Cidna dibudejin lalama baryeen. Waa la soo hooban lahaa! Nolol-raadis ayaa dib loogu soo qulquli lahaa. Nimco ayaa ka dilaaci lahayd. “Magaalooy … Haya Saylacdeeniiyeey … , Magaaloy … Magaaloy!” ayaa suuqyada Saylac laga tuman lahaa.  “Sidee dadka loo kala horaa?” mooye eh, cidiba cid ma shu’aysateen! Muranka dibudejintuna, waxa uu ku dambayn lahaa “hadmaa laga tagay warkaa?” 
 
Runtii, SUUQQA Itoobiya innaga badan. Baahida iib-doonku ka badan xamil-qaadka Dekedaha Jabuuti, Tujora iyo Berbera oo la isku daray. Isweydiintu waxa ay tahay: Ayaa reer Selel “DEKEDDA” ka hagranaya? Ma hunguri baa loogala masuugayaa? Ma Reer Jabuuti baa ka BAQAYA in dekedahooda SUUQQA lagu cidhiidhiyo? Ma Reer Somaliland baa Berbera u BAQAYA? Mise Itoobiya ayaa DIIDAN? 
 
Nimcada Saylac ku dihin, ma ICTIRAAF baa ay lala sugayaa? Cidda DEKED u diidan aan aragno eh, JAARKA talo ha lagu dayo! Maalgashi ha loo dayo!
Prof. Hared Odah

Comments are closed