|

Diblomaasiyiin Ajaanib ah Oo Dhimasho iyo Dhaacyo Kasoo Gaadheen Weerarkii lagu Qaaday Hutel Jaziira

Muqdisho:Jully,27,2015(SDN/QJ)-Warar dheeri ah, ayaa kasoo baxaya cidda ku waxyeeloowday weerarkii shalay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hutel Jazira ee Magaalada Muqdisho, waxana la sheegayaa inay diblomaasiyiinta shisheeye halkaas ku waxyeeloobeen.

jaziDadka ku dhintay Weerakii Hotelka Jaziira ayaa la sheegay in uu ku jiro Diplomaasi Shiiniis ah oo ka shaqeenayay Safaarada Dowlada Shiinaha ay ku leedahay Dalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay Diplomaasi kale oo u dhashay Dalka Kenya.

Hotelka Jaziira waxaa dagnaa Safiiro dhoor ah oo ka howlgalada Safaarado kuyaala Magaalada Muqdisho, waxaana kamid ahaa Safaaradaha daganaa dhismaha Hoteelkaasi Safaarada Shiinaha ,Qatar , Masar iyo kuwa kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Hotelka Jaziira oo kamid ahaa Hoteelada ugu waa weyn Magaalada Muqdisho si weyna loo adkeyn jiray amaankiisa, waxaana inta badan Hoteelkaasi dagi jiray Diplomaasiyiinta iyo saraakiisha ajaaniibta ah ee Muqdisho yimaada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed