|

Diblomaasigii Soomaaliyeed ee Kenya u Xidhnaa Iyo Dhallinyaradii La Taxaabnayd oo Dammiin Lacageed Lagu Sii Daayey

Nairobi:14-Feb-2013(SDN)-Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ayaa  Qaab Damiin ah ku sii Daysay Afar qof oo soomaali ah oo uuu ku jiro Dublomaasi  ka Tirsan Dawladda Federalka ah kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka Dambeeyeen Weerar dhawaan lagu qaaday Garoonka Diyaaraha ee Jomo Kenyata.

jwaaKooxdan dhallinyarada  ah iyo Diblomaasigan Wehelinaya ayey Maxkamaddu ku Sii Daysay midkiiba Lacag dhan 20 million oo lacagta Kenya ah oo damiin ahaan loogu talo galay.

Gudoomiyaha maxkamada kiiskan dhagaysanaysay Doren Mulekyo ayaa maxkamada ka dhex sheegay in dastuurka dalka Kenya uu u ogolaanayo in lacag lagu sii deyn karo.

Dhalinyaradan Soomaalida ah oo lagu kala magacaabo Ilyaas Yuusuf Warsame oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Xasan Cabdi Max’ed, Max’ed Cusmaan Cali iyo Garaad Xasan ayaa dhamaantood waxaa lagu eedeeyay inay maleegayeen weerar lagu qaado garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, balse si toos ah ayey arrintaas u deedafeeyeen Kooxdan dhallinyarada ah iyo Diblomaasigan ku jiraa.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed