Dibed-bax Lagaga Soo Horjeedo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ka Dhacay Ottawa Canada DAAWO
Ottowa,3Jan,2016(QJ/SDN)-Dadweynaha reer Jabuuti ee ku nool dalka Canada gaar magaalada Ottowa ayaa iskugu soo baxay Dibad-bax ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan xukunka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Dibed-baxan ayaa waxa soo qaban-qaabiyay Xubnaha mucaaridka dalka jabuuti ee dalkaasi Canada degan.
Dibed-baxan oo ahaa mid ay boqolaal qof oo reer jabuuti ah isku soo baxeen ayaa waxa kasoo qayb galay sheekha Caanka ah ee reer Jabuuti Sheekh Cabdurraxmaan Bashiir iyo Fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan (Cawaale yare), iyagoona dadkii halkaasi iskugu soo baxay meel fagaare ah kala hadlay.
Haddaba, shabakadda Qurbejoog waxay idiin soo gudbinaysaa muuqaalladii Dibed-baxaasi iyo Sawirro ee hoos ka daawo;
Qurbejoog: Ottowa, Canada