|

Dibadbax looga soo horjeedo heshiiskii Addis Ababa oo ka socda Baydhabo

Baydhaba 31,Aug 2013 (SDN)- Bannaanbax weyn oo laga soo horjeedo heshiiskii dhowaan dowladda federaalka ah iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba ku dhex maray magaalada Addis Ababa ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ku simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Bay Shiine Macallin Nuurow oo ka hadlay bannaanbaxa ayaa sheegay in dadka gobollada Bay iyo Bakool aysan aqbali doonin qodobbadii ka soo baxay shirkii ka dhacay Addis Ababa.

Baydhabo3-300x225Shiine Macallin waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka ah in ay ka laabato heshiiskaas, oo uu sheegay in uu wax u dhibayo nidaamka federaalka ee ka jira Soomaaliya, wuxuuna ka digay in sii jiritaanka heshiiskaan uu horseedi doono in ay taageerada kala laabtaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan oo ka mid ah nabadoonnadii ka hadlay bannaanabaxa ayaa ka dalbaday xildhibaannada ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool in ay wadatashi ahaan isugu yimaadaan magaalada Baydhabo.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in aysan ka fileyn dowladda federaalka in ay heshiis la gaarto maamulka Jubba.

Bannaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ahaa kii ugu weynaa oo dhowaanahan ka dhaca magaalada ayaa sababay in la xiro dhammaan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed