Dibad-baxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Caabudwaaq & Goobo Ganacsi Oo La Boobay
Caabud-Waaq 09. July 2017 (SDN/QJ):- Rabshado xooggan ayaa hareeyey degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud iyadoo la boobay goobo badan oo ganacsi iyo bakhaaro ku yiilay Suuqa degmaadaas.
Goob joogayaal ayaa sheegay in rabshadahaas ay bilowdeen markii dadweyne careysan ay wadooyinka magaaladaas ka dhigeen dibed baxyo ay uga soo horjeedaan ganacsatada magaalada oo diiday qaadashada lacagta shilin Soomaaliga ah.
Dibed-baxa ayaa markii dambe isu bedelay mid rabshado wata waxaana dadweynihii soo baxay oo isugu jiray dhalinyaro haween iyo caruur ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ku weerareen dukaamo iyo bakhaaro ku yaalla Suuqa degmadaas.
Sidoo kale, wadooyinka magaaladaas ayaa waxaa lagu gooyey taayero holcaya iyo jaqafyo waaweyn iyadoo xaaladu ay noqotay mid cakiran, ciidamada amaanka ayaana bilaabay rasaas ay ku kala ceyrinayaan dadka rabshadaha sameynayey.
Qaar ka mid ah ganacsatada degmadaas ayaa iyana la soo baxay hub culus oo ay ku ilaashanayeen hantidooda si ay isaga difaacaan dad wax boobayey, lamana oga illaa hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay rabshadahan.
Arintan ayaa ku soo beegantay xili degmooyin ka tirsan gobolada dhexe ay maalmahan ka jireen xiisado ka dhashay ganacsatada oo diiday lacagaha shilinka Soomaaliga, iyagoo diidan lacag cusub oo uu soo daabacday maamulka Puntland ay gaartay degaanadaas.
Sidoo kale, goobaha ganacsiga ee magaalada Gaalkacyo ayaa la xiray xiisad ka dhalatay lacagtaas ee maamulka Puntland uu suuqyada soo geliyey, iyadoo ganacsatadu ay doonayaan oo kaliya in wax looga iibsado dollar kaasoo dadka badankiis aysan awoodin.
Wasiirka Maaliyada Somalia ayaa lacagaha cusub ee xiisadaha ka abuuray gobolada dhexe ku tilmaamay mid sharci daro ah oo shacabka lagu dhibaateynayo, loona baahan yahay in looga hortago.