|

Dibad baxyo Balaadhan oo Ka Dhacay Caasimada Talyaaniga ee Roma iyo Nuxurka ay daaran yihiin

Roma 23.June (SDN) Magaalada Roma caasimada dalka Talyaaniga ayaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo loogaga soo horjeedo falalka foosha xun ee ka dhacay S. Africa, kaasoo kasoo qeybgaleen dadweyne aad u tiro badan isla markaana muujiyay dareenkooda ku aadan arxan darada iyo falalka aan bini’aadamnimada aheyn ee shacabka Dalka Koonfurta Africa kula dhaqaaqayaan umadda Soomaaliyeed ee ganacsi iyo nololba ka sameysay dalkaasi.

Dibadbaxani ayaa kusoo aaday maalinta qaxootiga adduunka 20 june 2013, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid Caasimada Roma iyo hareeraha gobolka Lazio, wuxuuna ka dhacay banaan baxani Irida Safaarada S. Africa oo ay dadka Soomaaliyeed isugu soo bexeen.

Dibad baxani oo ay soo abaabuleen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Rome iyo hareeraheeda, waxaana dibad baxani kasoo qeyb galay dhamaan waxda Amniga iyo maamulka caasimada Rome iyagoona soo dhaweeyay dareenka iyo dibad baxa ay umadda Soomaaliyeed soo abaabushay.

Kasoo qeyb galayaashii dibadbaxani oo ku sugnaa goobtaa ayaa muujiyay shucuurtooda ku aadan arrimaha foosha xun ee dilalka joogtada ah ee lagu hayo Umadda Soomaaliyeed ee ku nool S. Africa, iyagoo watay Calanka Soomaaliya iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo iyo sawiro cambaareyn ku ah dhacdooyinkii lagula kaca Soomaalida Koonfur Afrika, waxaana lagu qoray luqado isugu jira English-ka, Soomaaliga, Carabiga iyo af talyaani intaba.

Goddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Roma Marian Mohamed Hassan oo hormuud ka ahaa banaanbaxa ayaa la hadashay Safaarada S. Africa ee caasimada Roma, iyagoo codsaday in ay la hadlaan laba qofoo oo wakiil ka ah dadka Soomaaliyeed ee caradooda muujinayay, isla markaana umadii goob jooga ka ahaa u wakiishay Ubah Farah Ahmed iyo Marian Mohamed si ay usoo dhageystaan jawaabta ay Dowladda Koonfur Africa ka bixisay dhibaatada lagu hayo umadda Soomaaliyeed, isla markaana Safiirka Dowladda S. Africa u mahadceliyay Dadka Soomaailyeed sida bini’aadamnimada ku jirta iyo ixtiraamka leh usoo abaabuleen dibadbaxyadani, muujiyayna sida ay uga xun yihiin falalkii ka dhacay wadankooda, waxa uuna balan qaaday in ay Dowladda Baaritaan ku sameen doonto, isla markaana uu la xiriiri doono dowladdiisa si uu ugu gudbiyo warbixintii cambaareenta aheyd ee Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadda ay ka diyaarisay falalkii dilka ahaa ee ugu dambeeyay ee ka dhacay wadankaasi koonfur Africa.

Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed ee goobjooga ka ahaa dibad baxaasi ayaa ugu baaqay Dowladda S. Africa in ay raali gelin ka bixiyaan dhibka ka dhacay wadankooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ugu dambeyntiina waxa uu kusoo dhamaaday bananbaxani si balaaranaa si wanaagsan oo aanan rabsho wadan, waxaana shacabkii halkaasi ka soo qeyb galay ka muuqaneysay carada ay ka qaadeen dhibaatooyinka aan loo dulqaadan karin ee ganacsatada Soomaaliyeed loogu geystay magaalooyinka dalkaasi South Africa.

Roma SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed