Dib U Milicso Fadeexadii Madaxwayne Siilanyo 9 Sano Ka Hor Sameeyey+Oo Uu Maanta Dib U Soo Celiyey+Khudbadihii Uu Barigaa Ku Diidanaa Sahaminta Shidaal Baadhista Iyo Tan Maanta Taagan DAAWO
Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Maalintii doraad Ahayd Waxa Uu Magaalada Burco Ka Daah Furay Mashruuca Sahaminta Shidaalka Oo Uu Sheegay In Dhawaan Laga Bilaabi Doono Dhamaan Gobalada Somaliland Oo Ay Ugu Horayn Doonaan Gobalada Maroodijeex Sanaag Togdheer Iyo Deegano Kale Oo Badan.
Hadaba Waxaanu Dadwaynaha Somaliland Dib U Xasuusinaynaa Markii Madaxwaynaha Hada Talada Dalka Hayaa Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Ee Uu Hogaan Ka Hayey Madaxwaynihii Ka Horeeyey Ee Daahir Riyaale Markii Dalka La Keenay Shirkado Sahamin Shidaal Samaynaya Waxa Uu Madaxwayne Siilanyo Sheegay Inaanay Suurto Gal Ahayn Dal Aan La Aqoonsan Laga Sameeyo Shidal Baadhis Balse 7 Sano Ka Dib Iyadoon Somaliland Wax Aqoonsiya Ka Helin Beesha Caalamka Waxa Uu Madaxwayne Siilanyo Dawladiisu Dib U Bilawday Sahaminti Shidaalka Ee Ay Ka Soo Hor Jeday Xiligii Dawladii Ka Horaysay Bilawday.