|

Dib u Eeg, 24 Saacadood Gudahood, oo ay Magool ku Kulmeen Saddex Qodob,Oo Hore Loogu Saadaaliyey.

Rashiid Sulub CaalinBoqoraddii codka, udub dhexaadkii fanka Soomaaliyeed, fanka baalashiisii iyo gabadhii magacyada badneyd, ee noqotay qofka seddexaad, ee dadyowga madow ee caalamka ugu codka wanaagsaneyd.

Inkasta oo aanan kaga hadli karin hal maqaal ama wax ka badan ma-hadhooyinka iyo sooyaalkii taariikheed, ee boqoradda codka Soomaalida Marxuumad Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)  Alla ha u naxariistee, ayaa waxa igu dhaliyey inaan qalinka u qaato, sheekaba- sheekay keentaaye:

Waxaan la soo kala baxay buugga magaciisa la yidhaahdo (The planning of attack). Buuggaasi oo uu qoray nin la yidhaahdo ‘Bob Wood Woodard.’ Buuggaasi, oo ka hadlayey qorshayaasha dagaalka iyo tabihii uu Maraykanku u dajiyey, inuu dagaal ku qaado waddanka Ciraaq 2003. Anigoo akhriska buuggan badhtanka kaga jira, ayaa waxaan akhriyey Madaxweynaha waddanka Maraykanka Goerge W. Bush, oo dhabarka ka dhirbaaxay Xoghayaha Gaashaandhiga, ee waddanka Maraynkanka Donald Rumsfeld.  Iyagoo shir  ku jira ay kaga hadlayeen arrimaha caalamka, oo markaasuun dhamaystay shirkii, ayaa wuxuu ku leeyahay ‘wax qorshayaal  xagga dagaalka ah, oo ku waajahan Ciraaq ma haysaa, kuwaasi oo inoo sahlaya inaynu weerari karno waddanka Ciraaq?’ markaasuu ugu jawaabay sida uu qorayo buuggu, ilaa intaan imi Wasaarada Gaashaandhiga waxaan arkay dhowr iyo konton qorshe dagaal, inay Ciraaq ku jirtana waan u malaynayaa, oo waan hubsanayaa qorshe dagaal oo lagu weerari karo Ciraaq. Sidaas ayuuuna ku bilaabmay dagaalkii ciraaq lagu qaaday, sida uu qorayo buuggani.

Wakhtigaa aan akhriyeyey qorshahaa dagaalka Ciraaq waxaan aniguna xusuustay Xaliimo Cumar KHaliif Magool. Markaasaan intaan dhabarka ka dhirbaaxay aan waydiiyey tifaftirahayga Cabdikariim Xuseen, kuna idhi ‘wax qoraal ah maynu ka haynaa Magool?’ waxaanu ku jawaabay Cabdikariim ‘ waxa jiray maqaal aynu ka diyaarinay gabadhaasi, waxaana inaga caawiyey, oo aynu waraysanay Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye, oo aynu ka waraysanay Magool iyo inta uu ka xusuusto ama taariikhda ay soo wada qaateen. sidaasaan ku soo bandhigay Magool iyo inta aan anigu shaqsi ahaan ka aqaanay. Anigoo aan isku dhererinayn Madaxweynaha waddanka Maraykanka, kana raali ahayn dagaalkii lagu qaaday  dadka muslinaka ah.

Si kooban haddii aynu u tibaaxno ama isku xasuusinno Magool iyo taariikh nololeedkeedii; Magool waxa ay ku dhalatey gobolka Galgaduud, Degmadiisa Dhuusa Marreeb sanadkii 1948kii.Waxa dhalay Caalimka weyn, ee aad looga yaqaannay Gobolada Dhexe, Lana odhan jiray ‘Sheeq Cumar Shareeco,’ Dadka qaarna u yaqaanaan ‘Qaliif Cumar.’ Qoyska ay kasoo jeedo fanaanadu ayaa ah qoys aad looga xushmeeyo gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaliyaba.

Magool iyada oo yar ayey u soo guurtay magaalada Muqdisho, waxa ayna ku soo kortay guriga abtigeed Maxamed Xaaji. Kadibna waxa ay usii guurtay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay fanka ka soo gashay. wax yar kadib waxay dib ugu soo laabatay maagalada Muqdisho, halkaas oo ay aad uga sii hana qaaday fankeedii.

Waxay guursatay nin markaa kabtan ahaa, oo markii dambe Jannan noqday, oo la yidhaahdo Jeneral Galaal. Waxa kale, oo ay guursatay nin kale oo Soodaani ahaa, wax carruurana may lahayn. waxa ay ku geeriyootay magaalada Amistardaam ee caasimada dalka Holand taariikhda markay ahayd19 Maarso 2004. Waxaanay u dhimatay xanuunka Kansarka.

Heesteedii ugu horeeysay, ee ay qaado waxa ay ahayd heesta lagu magacaabo (Banaadiri). kadib  si-is daba joog ah, ayaa loogu dhiibaayay heesaha ay ku luuqeeyso Xaliimo Khaliif, heer ay gaadho in ay u tartamaan abwaaniintii heesaha curin jirtay iyo fanaaniintii jeclaa in ay la qaadaan Xaliimo Khaliif.

Waxaa lagu xasuustaa Xaliimo Khaliif heesihii ay qaaday, oo nooc walba lahaa iyo waliba heesihii ay ka qaaday shirkii Midawga Afrika ee lagu qabtay magaalada Muqdisho oo iyada iyo fanaaniin ay ka mid yihiin Maxamed Suleymaan Tubeec, Salaad Maxamed Shardi (Salaad-darbi) iyo Seynab Cige iyo kuwa kalaba ay aad ugu guubaabiyeen madaxdii Africa in ay wadamadooda gumeysiga aanay kala tashan, oo ay iyagu maskaxdooda ka maamulaan.

Sidoo kale xaliimo khaliif cumar (magool) alla ha u naxaariistee heesihii ay qaadi jirtay waxay u badnaayeen kuwa jecayka ah, oo ay aad iyo aad ay ugu helaan dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan laba labo ula wadaagi jirtay fanaaniinta kale ee ragga ahaa, siiba kuwoodii ugu caansanaa. Fanaaniintii xiligaas sida fiican ay ula heestay waxa ka mid ahaa:

  • Labada Ilma Mooge Liibaan Alla ha u naxariistee.
  • Maxamed Suleymaan  Tubeec.
  • Maxamed Nuur Giriig.
  • Maxamed Axmed Kuluc.
  • Maxamed Jaamac Joof.
  • Maxamed Yuusuf Cabdi.
  • Maxamed Warsame Qaasaali.
  • Axmed Cali Cigaal.
  • Axmed Nuur Jaangow.
  • Cabdi Salaad Aadan (Beerdilaacshe).
  • Cabdi Nuur Allaale.
  • Cabdalla Yuusuf (Hanuuniye).
  • Cabdi Tahliil Warsame.
  • Cusmaan Cabdikariim (Gacanlaw).
  • Xasan Aadan Samatar.
  • Xasan Diiriye Faarax.

Iyo kuwa oo aanan soo koobi karin. Sidoo kale, abwaanada sida weyn heesahooda ugu dhiibay Xaliimo khaliif Cumar Barre (Magool) waxaa ka mid ahaa:

  • Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jabiye).
  • Maxamed Cali Kaariye.
  • Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
  • Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey)
  • Cabdiqaadir Cali Cigaal (Cirro)

Waxaa kaloo kamid ah heesaha wadaniga ah, ee ay ku luuqeeyso ‘nin lagu seexdoow ha seexan’, ‘Maanta maanta waa maalin weyne maanta’, ‘Soomaali dhooylaay Afrikaay hurudooy’ iyo in badan oo aanan soo koobi karin. Xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxeey si aad ah u qaaddaa heesaha jaceylka ah, oo si aan caadi ahayn ay u jecel yihiin dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xaliimo Khaliif umar barre (magool) waxa ay qaaddaa, oo ay ku luuqeeysaa qasiidooyin ( Nabi amaan ah ) oo aad u fara badan, waxaana ka mid ah: inta raacday (Nabigee) rafiiqiise noqotee, Madad madad iyo kuwa kale oo badan oo aan la soo koobi karin.

Sidoo kale, hadii aan idiin soo gudbiyo inta aan ka aqaanno, ee ka turjumaysa shaqo- wanaageeda, fan-wanaageeda iyo sidii loo jeclaa:

Waxay ahayd aakhirkii todobaatanadii  maalin khamiis ah, maalintaas waxay Magool ku sii buuxsatay saacaddii 7:00AM subaxnimo, si ay ugu sii diyaar-garawdo shaqadeeda, maadaama ay habeenkaa ruwaayad dhigayeen, waanay ku qaylisay saacadii, waanay toostay.

Markii ay toostay Magool, ee ay sidaa indhaha u kala qaaday, iyadoo nafteedu doonaysa inay sii hurudo, ayaa ay xusuusatay ninkii Stage Manager-ka ahaa iyo Maamulihii tiyaatarku amarkay soo rogeen, ee ahaa in qofkii ka habsaama diyaarinta ruwaayadaha ama habeenada ay socoto ganaax culus la saari doono, oo wixii qofkaasi ruwaayada ka heli lahaa laga jaraayo. Sidoo kale, waxay maqashay inan xaafada jaarka ah, oo dhar maydhaysay, oo dhegaysanaysay rikoodh, oo ay u baxaysay hees ay qaaddo Magool oo tidhaahda ‘heestiyo ciyaaraha, mid xanaaninaayoo, hal abuur yaqaannoo, is-huba ayaa u badheedhee, hamadaada beenta wadka kuu horseed, hawraarsan reeboo, haasaweheenii, ka hadhbaan ku leeyahay ‘, inta ay dhoolacadaysay, ayey xusuusatay Waxaanay halkaa ku xaqiiqsatay oo u rumoobay saddexda qoddob, ee aan kor ku xusnay, oo ka ugu horeeya yahay, inta ay jiraan dad af-Soomaali ku hadlayaa in codkeeda la dhegaysan doono, oo ay dadweynaha Soomaaliyeed dhegaysan doonaan meel kasta oo ay joogaan, sidaana waxa u sii saadaaliyey, oo uu u sheegay nin abwaana oo abaal badan ku leh Magool, oo la yidhaahdo Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye, oo uu ku yidhi ‘inta ay Soomaali nooshahay waa la dhegaysan doonaa codkaaga.’

Markaa waxay toos u tagtay tiyaatarkii, halkaasoo la marinayey jirrabaadii ugu dambaysay, ee lagu tijaabinayey, si fiican ayey uga soo baxday, iyadoon waxba qaldin. Iyadoo la baas-gareeyey ruwaayadii aakhirkii.

Kadibna waxay tagtay dawaarleheedii samynayey dharkii ay ruwaayadaa ku dhigi lahayd, oo hore uga yaraaday. Markii ay gashay dawaarlaha, oo ahaa kii ugu fiicnaa magaalada Xamar, ayaa ninkii dawaarlaha lahaa ixtiraam awgii farta isku jari gaadhay maqaskii uu hayey. Dharkiina sidii ay Magool doonaysay ayuu ugu tolay, oo uu ugu hagaajiyey.

Markii ay dawaarlaha ka soo baxday, ee ay ninkii dawaarlaha lahaana isa soo raaceen, Intii ay jidka ku soo jireen waxa u istaagay dhowr gaadhi oo ku yidhi ‘Magool aanu ku sii qaadno’, iyagoo xiisaynayey. Waxaanay ugu jawaabtay, oo ay ku tidhi ‘iska raali ahaada, tagsi ayaan sugayaaye.

Iyadoo aaminsanayd, inay dadka badankiisu ay ku faakihaystaan heeseheeda, iskuna maaweeliyaan oo kaliya, laakiin aanay dadku aanay aaminsanayn in waxani yahay shaqadeedii rasmiga ahayd, oo ay ku shaqaysato. Oo ay hadiyo jeer waydiiyaan heestaa goormaad qaaday? Yaa kula qaaday?, ayaa kuu dhiibay, Hadaladaas oo ay ku adkayd inay u dulqaadato.

Ka dib waxa soo maray tagsigii, waanay raacday. Tagsiga waxa rikoodhka ugu jirtay cajalad uu dhagaysanayey, waxaana wakhtigaa ka socotay hees ay qaado Magool, oo ay la qaaddo Maxamed Salaad Darbi, oo ay tidhaahdo ‘hiirtaanyada I haysa iyo hirrigan baas adaa ii horseedee, waxaad ku hamiyeysiyo hanti kuguma ludhune, hadhka labada galin iyo hooskaa wareegee, Hayboow heedhe, ma markaan heshiinaa, ayaad horumarkii iyo wanaagii hilmaantay.’

Markay tagsigii ka degtay, ee tiyaatarka hortiisa ay marayso, ayaa ciyaal dibjiriin ah, oo tiyaatarka hor seexan jiray, ay ku soo wada carareen, markaasay ku yidhaahdeen ‘hooyo Magool ma kuu qaadnaa alaabta’, iyagoo midba midka kale uga  dheeraynayey, maadaama ay iyadu u gacan furnayd.

Markii gurigii ay tagtay, ee ay tukatay, qadaysayna, ee ay laba saacadood yar seexatay, ee ay soo kacday, ayaa nin aan laga ag-waayi jirin abwaanada iyo fanaaniinta , ayaa ku soo dhowaaday oo dhegta u saaray kuna yidhi ‘maanta oo dhan waanu k u raadinaynee xageed ku maqnayd. wuxuna intaa ku daray odaygii Cabdilaahi Cawar inankiisii uu jeclaa, ayaa Jimcaha arooskiisii la samaynayaa, waxaan doonayaa markaa habeenka uu Jimcuha dambe soo galayo inaad timaado, iyagaa ku dalbadaye, ee soo nooma iman karaysid, mise hawl kale ayaad leedahay?’ Waxay ugu jawaabtay oo ay ku tidhi ‘lacag fiican ma bixinayaan qorshayaal badanbaa jiree?’ wuxuuna yidhi ‘maxay u bixin waayeen waaba ninkii magaaalada nus lahaaye.’ sidaasaanay ku balameen.

Waxay u diyaar garawday ruwaayadii, iyadoo maskaxda ku haysa in si aada loo xayeysiiyey ruwaayadan, islamarkaana kuyuu ay ugu jiraan ruwaayadihii laga dhigi lahaa tiyaatarku.

Maalintaa waxa maankeeda aad uga guuxayey dhigista ruwaayadaa, oo in badan ay dadweynuhu sugayeen, oo xayaysiis badana laga sii sheegay sidaynu sheegnay, islamarkaana ay Magool iyo Maxamed Mooge sugayeen tiyaatarka oo shaqadiisu xaami ahayd. Waxaanay ku faraxsanayd Maxamed mooge oo ruwaayadaa ay wada jilayeen, maadaama ay jeclayd inay la heesto labada Ilma Mooge.

Horeba waxa ka bilaabantay ruwaayadii. Waxaanay qaadday oo ka mid ahaa heesihii ruwaayadaa ay qaadaysay ‘Allahayow maxaa iga galay nin geel badaneey’  heestaasi markii ay qaadayeen iyada iyo Maxamad Mooge waxa markaliya sacab iyo dhawaaq isla oogsaday dadweynihii, waxaanay codsanayeen inay heestaas ugu celiyan, waanay ugu celiyeen mar labaad. Waxaanay Magool xaqiiqsatay qodobkii labaad arrintii uu abwaan labaad u sheegay, isagoo abwaankaasi u sheegay oo ku yidhi ‘waxaad noqon doontaa haddii alle yidhaahdo hablaha waddanka heesa xiddigta loogu jecel yahay.’

Ruwaayadaas waxa ka soo qeyb galay dadweyne aad u faro badan, iyagoo dadka qaarkiina waayey inay fursad u helaan inay ruwaayadaas daawadaan, maadaama ay dadku buux-dhaafiyeen tiyaatarka.

Dadkii daawanayey ruwaayadda, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Ciyaaraha, ayaa dalbaday inay arkaan Magool iyo Maxamed Mooge.  Markii ay u yimaaddeen, ayey hambalyeeyeen ruwaayaddan cusub iyo siday ugu nuuxnuuxsadeen, waxaana uu Wasiirkii Warfaafintu ka dalbaday in habeenka ay arbacadu soo galayso ay kala soo qeyb galaan Wafti ka yimid Africa, oo ahaa wasiiro badan oo Arrimaha Dibada ah, oo uu Wasiirka Warfaafintu u fidiyey martiqaad , xaflad lagu soo bandhigayey heesaha Soomaalida, dhaqanka Soomaalida iyo heesihii kacaanka.

Kabacdi isna waxa codsi ka dalbaday Wasiirka Ciyaaraha, oo ku martiqaaday inay kala soo qeyb galaan xidhitaanka tartanka ciyaaraha gobolada, oo lasoo xidhayey. xafladaas oo ay ka soo qeybgalayaan Madaxweynaha iyo martisharaf kale oo qiimo leh.

Magool oo aan lagu arag ballan-xumo, oo ilaalin jirtay shaqadeeda  iyo diyaar-garowga, ayaa waxay u balan qaadeen labada fanaanba inay aqbaleen arrintaa, sidii ayey u kala dhaqaaqeen, iyadoo ay dadkii daawadayaasha ahaa ay sii baxayaan, markaasaa nin ka soo baxay ruwaayadda, ayaa qayliyey,  anigoo aan garanayn inuu suufi yahay ama inuu Maxamed Mooge iyo Magool uu aad u jeclaa, heesahooda iyo jilidooda, markaasuu mar kaliya inta uu qayliyey ayuu yidhi ‘ilaahayow Magool iyo Maxamed Mooge naxariistaada janno sii, oo u dambi dhaaf.’ Iyadoo ay daawadaashu la yaaban yihiin ninkan qaylinaya, ayey yidhaahdeen ‘aamiin‘, markaasaa inan yari cararay, oo uu u yeedhay Maxamed Mooge iyo Magool si ay u maqlaan ducadan cajiibka qabta, markii ay yimaadeen, isagoo ninkii wali sii wada dhawaaqiisii, ayey soo istaageen. Waxa halkaa isla habeenkaa u rumoobay Magool 24 saacadood gudahood qodobkii saddexaad, ee loo sii saadaaliyey, sidaasna Ilaahay ugu rumeeyey. Iyadoo ilmaynaysa ayey magool dhegaysanaysay ninkan u ducaynaya, waxaanay la ilmaysay farxad awgeed iyo ninkan Ilaahay u diray.

Maaha wax la iloobi karo Magool, maxaayeelay waxay saamayn xoog leh ku yeelatay Soomaalida dhexdeeda. Maaha wax halkan aynu ku tixi karno ama aynu tiraab kaga sheekayn karno inta ruwaayadood ee ay ka qeyb gashay iyo inta heesood ee ay qaadday ama fannaan kale la qaadday.

Dhinaca kale, markaan u kuurgalay Magool iyo Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye sooyaalka wada-shaqayneed ee dhexmaray, ayaa waxa iiga baxay in Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye iyo Magool ay abaal badan isku leeyihiin. Waxaanan wax ka waydiiyey abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye dhaqankii Magool iyo inta heesood ee uu xasuusto, ee uu u dhiibay magool iyo siday isku barteen. waxaanu ii sheegay abwaan jabiye inay magool mar ay Hargeysa timi 1963kii, iyagoo ruwaayad waday ay ka hadhay kooxdaa. ka dibna ay woxoogaa iska joogtay Hargeysa waxaanu ii sheegay inuu isagu soo kexeeyey, oo uu keenay Masraxii Murtida iyo Madadaalada, ee magaalada Hargeysa oo uu Jabiye madax ka ahaa.

Mar aan waydiiyey akhlaaqdeeda iyo shaqadeeda, wuxuu abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye ii sheegay inaanu garanayn cid kale, oo uu ka saraysiiyo akhlaaq wanaageeda iyo ixtiraamkeeda, wuxuuna ii sheegay inay ahayd gabadh dhowrsan, oo aan ku dhex milmin ragga fannaaniinta ah laakiin shaqadeeda uun ka adkayd, wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay ahayd fanaanad nadiifa, oo aan ka habsaamin shaqadeeda, waxaanu yidhi ‘ waxaan aad u jeclaa luuqdeeda, matalkeeda, anshaxeeda, ixtiraamkeeda iyo hufnaanteeda shaqo, manay iloobi jirin wax la xafidsiiyey.’ waxa kale oo uu sheegay inay isaga gaar u ixtiraami jirtay, islamarkaana uu u dhiibay heeso badan oo inta uu ka xasuusto uu ii sheegay. heesahaas uu abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye u dhiibay magool waxa ka mid ahaa, oo uu ii sheegay:

  • Ubax la moodyeey ana abaartiyo agab la’aanta igu ogow. waxaanay la qaadaa Shimbir
  • kal caano galeen kas malaha.
  • Hablo waa rag u joog.
  • Raggu magaca guud giddi waa ka siman yahay.
  • Gedmedoo sidiinaa gibil layga saaraaye.
  • Daahir aramidaadii waxay uurka jiiftaba, afka aan ka dhowraba soo aroorsan maaha.
  • Dandoodooy hal kaa gudhan gorof looma qaadoo, kuma gaajo beeshide.
  • labadii duugga eegaa, kolkay dayrtu hoorto, xareed wada durduurtee, waxaanay wada qaadaan cismaan gacanlow.
  • Waxa i helay huq raagtay, oo in dooraba i haysay.
  • Diif waa la reebaa laakiin doqonimo lama reebo.
  • labadii laysku dooraba, haddii laysku daayo, dagoo wada yagleelee.
  • Muuniso aqoonlaa, shaydaan afuufaa. waxay wada qaadaan cismaan gacanlow.
  • Adoo guri barwaawo ah geel dhalay ku haysta, geedi lama lalabo, abaar looma guuree, anigaa isku gaystoo galabsaday xumaantaa, wixii ila garaadow gobonimo ha tuurina.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa anigoo ilaahay u baryaya inuu u dambi dhaafo, oo uu raali ka noqdo Magool,  hees waddani ah, oo beydkeeda hore ka sheekaynayo Soomaali dhaqankeeda iyo heesta dambe, oo uu beyd ka mid ah ka sheekaynayo kacaanka waxaanay yidhaahdaan.

  • Sixir lagama waayaay, Saxariir ku faanaay, Seefo isku qaataay, Seedaha is goysaay, Sababteeda doonaay, Malageeda sidatooy, Soomaali dhooylaay, Horay maydun socotaan, Mise sabo xumaaniyo, Silic baad ku noolaan.
  • jeerood saafi noqotaan, faro siman lahaataan, inaad seermo waydiyo iyo inaad guryo samo ka baaqdaan, sacabka ha u garaacina, sidan waan naqaanaa sidana waanu garanaa, hadday sidan gacantu tahay sirbay cidhib ku leedahay.

haddaba, Waxaan ku soo koobi lahaa qormadan inay magool ahayd shaqsiyad aan la malayn karayn oo dhaqan wanaag iyo luuq wanaag iyo fan-wanaag isku darsatay, islamarkaana mudan in la xusuusnaado. waxaana igu dhalisay inaan tilmaamo wax taariikhdeeda ku saabsan inta aan ka aqaanay inaan sheego oo aan jeclaystay.

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email: fatxisulub@gmail.com Tel: 0634426781

 

Comments are closed