Dib-u-dhiska Qaza Oo Loogu Yaboohay Balaayiin Dollar
Caira:Oct,13,2014(SDN/QJ)-Burburkii Ciidanku Yuhuuddu badhtamihii sanadkan u geysteen Deegaanka Qaza ee Dhulka Reer Falastiin, ayaa waxa laga shiray sidii dib loogu dhisi lahaa, iyadoo shirkaasina uu ka socdo Magaalada Caira ee dalka masar.
Shirkaas oo shalay furmay, ayaa waxa deeq bixiya-yaashii iskugu yimi ay ku yabooheen lacago gaadhaya ilaa iyo 5.4 bilyan oo doolar, si dib loogu soo celiyo bilicdii deegaankaasi lahaan jirey.
Waddamada shirkaas ka qaybgalay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 50-waddan oo u badan dalal carbeed, waxana ay intooda badani sameeyeen ballan-qaadyo wax ku ool ah oo yididiilo geliyey dadka daneeya arrimaha Reer Falastiin.
Lacagta la yaboohay waxay ka badantahay afartii bilyan ee uu codsaday maamulka Falastiin ka hor intii aanu shirkani furmin.
Ugu yaraan 100,000 oo shacabka kunool Qaza ayaa ku gurya beelay duqeyntii Israa’iil ee socotay ku dhowaad labada bilood, waxana ay u baahan yihiin sidii loogu dhisi hay ay kaga gabadaan milicda iyo roobabka da’aya, iyadoo dhibaatada ugu weyn ee jirtaa ay tahay burburka soo gaadhay Goobihii waxbarasho ee maamulkaasi lahaa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com