“Dib U Dhaca Doorashooyinka Marka Laga Tago Farsamada, Qorshaha Iyo Dhaqaalaha Waxa Aan Ka Madhnayn Dano Siyaasadeed”.. Hogaamiyaha Waddani Md. Xirsi
Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si mug leg uga hadlay sababaha keena dib u dhaca doorashooyinka innagu soo noqnoqda isaga oo nasiib darro ina haysata ku tilmaamay arrintaasi iyo in hay’adaheena dawliga ah qaar ka mid ah in ka badan 25 sanadood iska fadhiyaan doorasho la’aan isaga oo farta ku fiiqay halka xalku ku jiro ee lagaga gudbi karo doorashooyinka muddo dhaafa ee innagu soo noqnoqda.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay kulan lagu gorfaynayay xal u helidda dib u dhaca doorashooyinka dalkeena kus oo noqnoqda iyo sidii xalal looga gaadhi lahaa waxaanu Mudane Xirsi yidhi: “Qaran ahaan reer Somaliland ha noqdaan xisbiyo, ha noqoto dawlad, ha noqdo aqoonyahan, waxaan is leeyahay ceeb bay malaha innagu tahay in aanay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomin oo aynu qaban kari wayno oo inta aynu fagaare isla nimaadno kolba su’aal is waydiino oo aynu nidhaa maxaynu doorasho u qaban kari waynay wakhtigeeda. Waxa runtii ceeb innagu ah in Golihii Guurtidu muddo dhan 25 sanadood ay fadhiyaan, oo Golihii Wakiiladu fadhiyo oo doorashooyinkii kalena ay dib u dhaceen oo dhawr jeer dib u dhaceen imikana werwerku uu jiro. Waxaan leeyahay haddii qofkii ama hay’addii la doortaaba ee kursiga loo doortaaba uu ka kici waayo oo bannayn waayo oo tartan u diyaar garoobi waayo runtii ceeb ayay innagu tahay. Imika in 25 sanadood la yidhaahdo Golahaa (Guurtida) waynu qaban kari waynay waa innagu ceeb oo waxay innagu tahay dhib. Sidoo kale Golihii Wakiilada ayaa la mid ah malaha Madaxweynaha ayaaba ugu sahlanoo isagu dee diyaarna u ah oo aan tartanna ku jirin, diyaarna u ah in uu banneeyo horena ugu dhawaaqay laakiinse aanay illaa hadda doorashadii saansaankeedii iyo dhaqaalaheedii isku dubba dhacsanayn”.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Iyada oo dhibkaasi jiro waxaan ku soo ururinayaa uun inta hadalku ku urursan yahay oo nuxurku yahay doorashooyinka dib u dhacooda maxaa sababa oo keena maxaanse ka qaban karnaa?, waxaan is leeyahay waxaa sababa dib u dhacooda marka si daacad ah looga hadlayo waa uun dano siyaasadeed (Political Interest) baa ku jira dib u dhaca sida qaalibka ah. Sababna waxaa u ah oo sababa marka ay farsamo timaaddo ama ay timaaddo wax uun sababay in doorashadu wakhtigeedii ka dib dhacdo. Haddii aanu dhaqaalaheedii iyo qorshaheedii farsamo diyaarsanayn dibbay u dhacaysaa balse kama madhna dano siyaasadeed dib u dhaca doorashooyinka. Waxa sahasha dano siyaasadeed oo korodhsiimo dhalisa”.
“Waxa la isku qaldaa laba shay. Haddii wakhtigii dhammaado oo institution kii ama barlamaan ha noqdo, ama madaxweyne ha noqdo, ama guurti ha noqdo in institution-kii meeshii fadhiyo oo wakhtigii dhammaado wakhtigaa dhammaaday iyo masuuliyaddiisa iyo wixii loo baahnaa in la is waydiiyo. Oo yaa masuuliyaddaa leh?. Waxa laga wada hadlaan uun la kordhim maayo iyo waa la kordhinayaa. Waxa la iska wada yaqaan in marka wakhti ka dhammaado aan la odhanayn ciddii wakhtigaasi ka dhammaaday aan dareerino oo markaa gaab bannaani dhacayo. Waxaa markaa iska macruufa in xaruntii dawladeed ee meesha fadhiday ee wakhtigu ka dhammaaday in aan cidina odhanayn dareera oo meesha ka dareera laakiinse waxa ay marka hore u baahnayd in la is waydiiyo doorashada yaa qaban waayay sababtee u baaqatay?, taasi in la is waydiiyo ayay ahayd. Waxaan is leeyahay waxa sahlaya dib u dhaca doorashooyinka innagu soo noqnoqonaysa waxa sahlayaa waxa weeyi sababtaa marka hore cid kastaa ha keento ama farsamo ha noqoto ama dhaqaale ha noqoto. Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa in ay muhiim tahay dib u dhaca doorashooyinku in ay ku yimaaddaan arrimo farsamo ama dhaqaale ee aanay noqon kuwo siyaasad ah. Waa in aynu sharciyan wax ka badalno oo marka doorashadii la qaban kari waayo waxa ay ka baxdaa faraha ciddii shaqada lahayd oo ahayd komishanka doorashooyinka iyo ciddii in ay qabsoonto sugaysay oo ah xisbiyadii farahooda way ka baxdaa waxa ay gashaa faraha xarun kale oo ah Guurtida ayay gacanta u gashaa oo mandate-kii iska leh. Mandate-kaasi waxa uu u siiyaa fursad in ay awoodooda ka shaqaysiiyaan oo sida ay doonaan u Exercise gareeyaan haddii ay gacan siyaasadeed soo gasho iyo haddii aanay soo galinba. Ta noocaasi ah marka, waxaan u arkaa talada saxda ahi in ay tahay in aynu doorashooyinka qabsoomidooda waa arrin farsamee u dayno farsamadooda. Xeer sharci halaga soo saaro oo halagu xaddido arrin farsamo dib u dhaceeda oo qodobkaasi fasirata oo odhanaya haddii doorashada wakhtigeeda lagu qaban waayo farsamadaasi ayaa loomarayaa tusaale ahaan komishanka oo muddooye wakhtiga ay ku qabsoomayso oo la yidhaa wakhtigaasi komishanka ayay ku qabsoomaysaa oo kaliya” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo si weyn u qaadaa dhigay cilladaha ku gedaaman dib u dhaca doorashooyinka.