|

Dib u Curashada Xil ka qaadis lala maagan yahay Maayar Solteco oo dib u soo Cusboonaatay iyo Tirada Xildhibaanada ka soo Horjeeda Maayarka oo Korodhay

Hargaysa 08.May 2015 (SDN/QJ)- Qaar ka mid ah xildhibaanada aqalka golaha deegaanka caasimada Hargeysa, ayaa muddooyinkii danbe ku hawlanaa mooshin xil ka xayuubin ah oo ay kursiga guddoomiyaha golaha deegaanka caasimada Hargeysa kaga tuurayaan Maayir Soltelco oo hawlo shaqo muddooyinkii danbe dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Mooshinkan xil ka qaadista ah ayaa la filayaa in kursiga lagaga tuuro maayir Soltelko marka uu dalka dib ugu soo laabto, waxaana maalmahii ugu danbeeyey ay xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa wadeen olalaha mooshinkan iyada oo tiraba laga saxeexay 14 xildhibaan in ay u codeeyaan in xilka maayirnmo laga qaado guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko).

IMG_E84666-49582C-05F326-092122-B2698D-FB0907Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay, ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen in ay markii hore jireen Laba murashax oo u tartamaayey jagadaasi kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Cabdirisaaq Qowdhan iyo Xildhibaan Dogax, balse markii danbe waxaa tanaasul muujiyey Xildhibaan Dogax, waxaana uu codadkii uu hayey ku wareejiyey in uu ugu shubo Xildhibaan Qowdhan maadaama xildhibaan Dogax iyo xoghayaha dawlada Hoose ee Hargeysa ay isku hayb yihiin.

Xildhibaan Qowdhan, ayaa illaa hada wada olale weyn oo uu ku hantiyaayo xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa, si uu xilka maayirnimo ee golahaasi uu ula wareego si aqlabiyad ah, waxaana uu sida oo kale balan qaado badan uu u samaynayaa xildhibaanada uu hada mooshinka ka saxeexayo.

Ugu dabeyntii arrintan ayaa ah mid mar kale dib u soo cusboonaysiinaysa khilaafkii hore uga dhex jiri jiray golaha deegaanka caasimada Hargeysa, balse hada ay u muuqato in mooshin kani yahay kii karkaarka lagu waydaarin lahaa maayir Soltelko, iyada oo dhinaca kalena aan la saadaalin karin guusha ay xildhibaanada xil doonka ahi ku hanan karaan kursiga ugu sareeya golaha deegaanka caasimada Hargeysa.

Maayirka Caasimada Hargeysa Maayir Soltelko oo muddooyinkii danbe safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa hada la sheegayaa in uu safarkiisii soo gunaanadayo kadib markii uu ogaaday in mooshin ka dhan ah ay abaabulayaan qaar ka mid ah xildhibaanada dibad wareega ah, oo inta badan ku qadhaabta magaca maayirnimada caasimada Hargeysa.

Comments are closed