“Dib u celinta qaxootigu ma noqon doonto mid khasab ah” Madaxweyne Uhuru Kenyatta
Nairobi 08.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalkaa Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aanan si khasab ah, lagu celin doonin qaxootiga Soomaalida ee ku nool xerada Dhadhaab.
Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay, kulan uu Arbacadii la yeeshay madaxa hay’adda qaxootiga adduunka, António Guterres.
Dowladda Kenya ayaa bishii hore ku amartay UNHCR in ay saddex bilood gudahooda qaxootiga kaga rarto Dhadhaab, haddii ay ku guuldareysatana ay dowladdu sameyn doonto.
Kenya ayaa ku doodeyso in xeryaha ay gabaad u noqdeen kooxaha argagixisada ee dalkeeda weerarrada ka geysta.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Kenyatta, ayaa lagu sheegay in Kenya uu waajib ka saaran yahay fulinta waajibaadka caalamiga ah, islamarkaana ay sii wadi doonto in ay fuliso.
António Guterres, ayaa u sheegay saxaafadda in dib u celinta qaxootiga ay noqon doonto mid ku dhacdo si iskood ay qaxootigu ugu noqdaan dalkooda, iyadoo loo marayo heshiiskii dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.
Madaxa UNHCR oo booqanayo gobolka, ayaa la filayaa in uu Jimcaha tago Dhadhaab.