|

“Dhulku Waa Aafo Qaran, Sanadkan Oo Kali Ahna 67-Askari Baa Wax Dhintay iyo Wax Dhaawacmay Iskugu jira Oo Dhul Uun Ku Dhibaatooday…”Taliye Fadal

Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka Bixiyey khasaare nafeed oo ka dhashay iska hor imaadyo maalintii shalay ciidamada Booliska iyo tiro Booliska ka tirsan ku dhex maray dhul ku yaalla Xaafadda Masalaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa.

fadlTaliye Fadal oo shalay fiidkii shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa sheegay in laba askari ku dhaawacmeen rasaas kooxo hubaysan oo dhulkaas sheeganayey ciidamada ku fureen, isla-markaana dadkii rasaasta ridayey  iyo hubkoodiiba Gacanta lagu soo  dhigay.

Taliyaha oo sida wax u dhaceen ka hadlaya, ayaa waxa hadalladiisii kamid ahaa,

“waxan idiinku yeedhay ciidanka boolisku mar walba hawshiisu waa mid joogto ah, maadaama  ay amniga dalka masuul ka yihiin. waxa jirey dhul ku yaallay masalaha galbeedka oo muddo dheer dhinacyo isku haysteen, dhinacyadaas midka mid ah ayaa kontiinar dhigay, haddii lasoo qaadayeyna waxa ciidankii lagala horyimi iska caabin hubaysan, waxana halkaas ku dhaawacmay laba askari oo midkood ay bawdada kaga dhacday, halkanna waxa yaalla la qori iyo bambadaas aad aragtaan.” Ayuu yidhi Taliye Fadal.

Waxa uu Taliye Fadal carrabka ku dhuftay inuu Dhulku yahay Aafo  dhibaatadeeda cid waliba dareentay oo aan loo dulqaadan Karin, waxana uu taxay tirade ciidamada Booliska intii sanadkan lagu gudo jirey oo kali ah kaga waxyeellowday, waxana uu yidhi,

“Dhulku waa aafo qaran had iyo jeer dhibaatada ay dadku ku waxyeelloobaanna dhulkaa sababa,  Sanadkan ciidamada boolisku 67-askari baa dhul uun ku waxyeelloobay, waanan uga mahad naqayaa madaxweynaha Guddida uu dhawaan dhulka u magacaabay.”

Taliyuhu waxa uu Baaq u diray Bulshada Reer Somaliland, waxana uu sheegay inay ciidamadu yihiin qaar iyaga ammaankooda u dhimanaya,

“Ciidanka Boolisku ma aha cadow ee waa ciidankii qaranka,  arrintan imika dhacdayna waxa loosoo qabtay shan qof baadhistuna waa socotaa.” Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal iimaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed