Dhulkii la Sheegay in Ciidamada Qaranku dhisanayaan ee Madaarka Hargaysa oo lagu Wareejiyay Odayaasha Xaafada Masalaah DAAWO
Hargaysa 26.Jan 2015 (SDN/QJ)- Ciidanka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu Wareejiyay Odayaasha iyo Waxgaradka Xaafada Maslaha ee Magaalada Hargaysa afar Garoon oo kuwa Ciyaaraha ah iyo Xarun MCH kuwaas oo ay hore ugu deeqeen Ciidamada Qaranku.
Dhulkan ay Ciidanku Sheegeen inay ku wareejiyeen Odayaasha Xaafada Masalaha ayaa labadii Cisho ee u danbeeyay hadal hayntiisu ku badnayd Magaalada Hargaysa .