|

Dhul-gariir Xoogan oo qasaaro badan geystay oo ku dhuftay dalka Shiinaha

Sichuan April 20 2013 (SDN)– Dhul-gariir Xoogan oo qasaaro badan uu ka dhashay ayaa Lagu soo waramayaa in uu ku dhuftay gobolka Sichuan ee Koofur Galbeed dalka China.

Warbaahinta Shiinaha ayaa soo wararisay in ugu yaraan 72-ruux ay ku geeriyoo deen dhul-gariirkaasi oo lagu qiyasay 6.6 magnitude islamarkaana 400-ruux dad kabadan ay ku dhawacmeen.

Kooxaha samata bixinta ayaa goobta gaaray waxaana ay ku howlan yihiin sidii loo soo bad baadin lahaa nolol iyo geeri dad wali ku harsan dhismayaasha hoostooda waxaana ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan tirade dhimashada ay intaasi ka badan karto.

Sanadii 2008dii Bishii May ayay aheyd markii  sidaan oo kale dhul-gariir ka dhacay Sichuan ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 90-ruux oo isugu jiray Caruur Haweyn iyo dad waaweyn.

SDN- Sichuan

Comments are closed