|

Dhoofka Xoolaha Somaliland Oo Moosinka Xajka Bilaabmaya Iyo Xoolihii Ugu Horreeyay Oo Ku Jira Maxjarrada Berbera

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland oo muddo xayirnaa,ayaa dib u bilaambaya isla markaana waxaa si toos  ah dekedda Berbera  toddobaadkan ka dhoofaya xoolihii ugu horreeyay ee ka dhoofa marsadaas.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlayay Magaaladda Berbera ayaa Shaaciyey in Warka uu ummadda Somaliland kaga farxinayo inay tahay in Xayiraadii Saarnayd Xoolihii aynu u iib geyn jirnay Sucuudiga ay Meesha ka bixi doonto Isla markaana Moosinka Xajka oo Mudo aad u yari inaga Xigto ay Xoolaheenu toos u tegi doonaan Saylada weyn ee Sucuudiga.

Wasiirku Muu sheegin Sababta ka danbaysay in Sucuudigu uu ka laabto Xayiraadii uu Saaray Xoolaha uga iman Jiray Geeska Africa.

 

Dhanka Kale Ganacsade Cali Ibraahim Ciise oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee xoolaha dhoofisa, kana mid ah wakiillada shirkadda  Al-jaabiri, oo ka hadlay in ay sannadkan  xoolihii moosinka Xajku in ay dhoofayaan iyo in ay wali xayiraaddii ay saaran tahay,ayaa ku jawaabay. “Xoolaha dhoofkoodii wuu bilaabmay oo imika iibsigoodii ayaa socda oo durba sayladihii ayuu ka bilaabmay iibsigii Xooluhu waxaanna jirta in qaybihii ugu horreeyay ee sayladaha xoolaha laga iibsaday in ay ku jiraan  Maxjarrada caafimaadinta Xoolaha ee Berbera si dhakhso ahna xooluhu way u dhoofayaan oo toddobaadkan gudihiisa ayay dhoofayaan xooluhu sidaas ayaanay u furmeen.”

 

Tallaabada ay xooluhu ku furmeen ayaa  ka dambaysay ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland dedaalo aad u badan ay galisay sidii dawladda Boqortooyada Sucuudigu ay xayiraadda uga qaadi lahayd dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland,taasoo ay ku guulaysatay Xukuumadda Somaliland isla markaana ay si toos ah u dhoofayaan xoolaha Somaliland sannadkan moosinka Xajka.

Comments are closed