|

DHOOBIGII LA WADA JECLAADAY ANA DHINACAGAAN KA JECLAADAY, BUU YIDHI ODAYGII REERKU

Dhamaantiin waaad salaaman tihiin  akhristayaasha iyo wariyayaasha heegan 24/7ba

Salaam ka dib bari baa waxaa la yidhi nin baa reerihiisu meel u dagenaayaan  markaas baa ninkii wax haween la yidhaa baa guurigiisii ku batay markaas baa waxaa uu u baahday nin geela u jira  u raaca  maalintii danbe ayuu u ijaaray dhoobi geela raaca markii mudo la joogay lays bartay ayaa odaygii wax dareemay waxaa uu arkay islaantii iyo hablihii oo wax kasta leh biyo iyo caanaha iyo raashinkaba ha loo geeyo wiilka awalna waxaa loogu yeedhi jiray qowsaarka iyo dhoobiga markay u yeedhayaan iminkana waaba nin loo shaqaynayo oo loo kala cararayo shaqadiisa odaygii baa talo ku cadaatay  waana dhaawacan yahay wax uu sameeyana garan mayo markaas baa hal uu lahaa intuu lisay ayuu isna hadhuubkii oo caano ka buuxaan ula cararay dhoobigii  markaas bay islaantii tiri ee sidaad wax leedahay waxaa uu ku jawaabay la wada jeclaaga ana dhinacaygaan ka jeclaaday (WAA REER HABAAR KU DHACAY ) imminka waxaa ka dhigan nimanka iyagoo aad moodoo geel saddex qad ah soo tooreeyey salaada hore ee u tacsiyeynaya ninka bakhtiyey waa garaad xumo iyo maangaabnimo iyo siyaasad xumo madxweyne iyo ooridiisii iyo wasiirkii daakhliga iyo kii arimaha dibada iyo gudaha iyo intaas oo kale oo madax ah  oo wada socdaa inay meel ka soo wada  xaadiraan  waa khalad  iyo adduunka ood tusayso inaad nidaam xun tahay iyo

Sharcigii madaxda adduunkana waad jabiseen sidaad isku lahaydeen lawada jeclaagoow xagaan ana kaa dhunkada ayey meel xun idinla maraysaa  s/land way suuxsantahay alle ha u sahlo  odayaaal waxaa lagu yaqaanay inay wax walba iska hubsadaan intaanay ku dhawaaqin waayo odaygu magacii weynaa ee reerka ayuu sidaa dhawaaqiisu taariikhda ayuu galayaa markaa waxaan odhan lahaa odayaasha  maanta halka ay la marayso waan wada aragnaaye inay bal in uun dib iskugu fiirsadaan oo magac  reerka wax u hanbeeyaan oonay wada sarifan.

Fuad jawi

Canada Ottwa

Comments are closed