Dhismaha Xukuumadda Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland Sida Loo Koobay Wasaaradaha Iyo Afar Komiishan oo awood dheeraad ah la siiyay +Wasiir Ku Xigeen Iyo Wasiirul Dawle oo Daaqada ka Baxaya!!
Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Golahii wasiirada cusub ayaa miiska saaran, taas oo Ay inaga xigto muddo aad uu kooban, iyo wasaaradihii tirada badnaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxweynaha la Doortay uu Isugu Celiyay ugu badnaan 12 wasaaradood ilaa 15wasaaradood.
Sida ay Shabakada Qurbejoog ka heshay Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Wuxuu dhismaha Xukuumadiisa ka Saaray Wasiirul dawle Iyo Wasiir Ku Xigeen halka uu taas badalkeeda xoojiyey farsamada wasaaradaha oo ay hagaan Agaasimeyaasha Guud Waxaa kale oo uu rukumo adag ku istaajiyay Afar Komishan oo awoodo buuxa la siiyay.
Tibaaxa dhismaha Xukuumadda Madaxweynaha la doortay aanu shaacin ayaa u dhigan sidan
Wasaaradaha la is hoos geeyey.
1) Wasaaradda Warfaafinta, Boosaha Iyo Is Gaadhsiinta.
2) Wasaaradda Ciyaaraha, Dhaqanka Iyo Dalxiiska.
3) Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deeganka Iyo Horumarinta Miyiga.
4) Wasaarada Beeraha, Biyaha Iyo Badda.
5) Wasaaradda Maaliyada Iyo Qorshaynta Qaranka.
6) Wasaaradda Diinta Iyo Caddaalada
Dhanka Kale Waxa uu Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu sidoodii u daayay Wasaaradahan
7) Wasaaradda Caafimaadka
8) Wasaaradda Gaashaandhiga
9) Wasaaradda Waxbarashadda Iyo tacliinta Sare
10) Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda
11) Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
12) Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta
Geesta Kale Afarta Komiishan ee uu Magacaabayo ayaa ah sidan.
1) Commission-ka waxbarashada sare, ( tayeynta jaamacadaha )
2) Commission-ka la dagaalanka musuq maasuqa. ( kana Awood sareeya wasiirada wasaaradaha)
3) Commissionka isgaadhsinta iyo media ( kana madax banaan wasaaradda warfaafinta )
4) Commission-ka zakada. ( la dagaalanka fakhriga ).