Dhismaha Gole cusub oo looga dhawaaqay Deegaanada hoos taga Al-Shabaab
Baydhaba 06, October 2016 (SDN/QJ):- Al-Shabaab ayaa shir ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bay isugu keenay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed oo ay ka soo ururiyeen degaanada kooxdaas ay maamusho, iyagoo doortay Hoggaan cusub oo dhanka dhaqanka ah.
Munaasabad ballaaran oo odayaasha dhaqanka ay ku dooranayeen hogaankooda ayaa waxay kaga dhawaaqeen guddoomiyahooda iyo golayaashooda fulinta.
Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab oo uu ka mid ahaa Shiikh Xuseen Cali Fiidoow ayaa hadalo ka Jeediyay munaasabadda, waxayna odayaasha ku bogaadiyeen inay kaalin weyn ka qaadaan difaaca diinka iyo dalka sida ay yidhaahdeen.
Gudddoomiyaha golaha odayaasha dhaqanka islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Samadoon Sheekh Ibraahim Sheekh Cali Nuur iyadoo afhayeena loo magacaabay Nabadoon Ismaaciil Xuseen Haaruun.
Gudoomiyaha Al-shabaab ugu qaabilsan Jubooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa Odayaasha kula dardaarmay inay ilaaliyeen midnimadooda qabyaaladana ka fogaadaan isla markaana ilaaliyaan ammaanada ay hayaan.
Golahan oo aan la ogeyn ujeedada ay Al-shabaab ka leedahay ayaa ku soo beegantay xili olole doorashooyin dadban uu ka jiro Soomaaliya, Al-shabaab ay ku hanjabeen iney arbushi doonaan.