Dhinicii Hore Uga Biyo Diiday Shirweynihii Solja ee Ambassaddor Oo Aqoonsaday Hoggaanka Cusub iyo Nuxurka 9 Qodob oo lagu Heshiiyay
Hargaysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Hoggaanka cusub ee ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo dhinacii hore uga biyo diiday shirkii ka dhacay Huteelka Ambassador ee lagu doortay hoggaanka cusub ayaa maanta heshiis buuxa ka gaadhay is-maandhaafkii u dhexeeyay.
Heshiiskan oo ka kooban dhowr qodob isla-markaana lagu shaacin doono Xafladda xil-wareejinta oo dhacaysa maalinta berri ah, ayaa dhinacii hore u diidanaa doorashada hoggaanka cusub waxay ku caddeeyeen inay aqoonsan yihiin hoggaanka cusub ee ururka SOLJA.
Heshiiska dhinacyada SOLJA kala saxeexdeen ayaa waxa uu u dhignaa sidan :-
Heshiiska Labada Dhinac Ee Ururka SOLJA
Hoggaanka Ururka SOLJA iyo Dhinicii Ka Maqnaa Shirkii Ururka SOLJA waxay isla qaateen Qodobbada Heshiiskani oo lagu soo afjaray khilaafkii ka jiray guud ahaan ururka SOLJA ka dhashay.
1. In Garabkii shirka Ambassador ka dhacay aan ka soo qayb galin ay qabaleen Hoggaankii lagu soo doortay shirkaasi, si loo ilaaliyo midnimadii iyo wada-jirkii ururka SOLJA.
2. In Wixii Tababaro, Waxbarasho iyo Furadaha soo baxa loo sinaado.
3. In Hoggaanka cusub ee ururka SOLJA hirgaliyo, dhamaystiro xaruntii ay bilaabeen hoggaankii hore, iyadoo loogu magac darayo Marxuum Maxamed rashiid Muxumed Faarax.,
4. In Hoggaanka Cusub bilaabo dib u heshiisiin buuxda oo la iska saamaxo wax wal oo hore u dhacay, nooc kasta oo uu ahaa.
5. In hoggaanka ururka SOLJA si siman u ilaaliyo, Suxufiyiinta, Warbaahinta Dawliga ah iyo kuwa Madaxbanaan, si waafaqsan Dastuurka Ururka SOLJA iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Lr.27/2004.
6. In Garabka aan shirka ka qayb galin la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka SOLJA, iyadoo la waafajinaya inuu buuxiyo shuruudaha shaqadiisa looga baahan yahay.
7. In Xaflada Xil-wareejinta laga shaaciyo qodobbada heshiiskan.
8. Heshiiskani waxa uu burayaa marka labada dhinac mid ka mid ahi ka baxo qodobbada heshiiska.
9. Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa marka labada dhinac ay wada jir u saxeexaan.
Haddii aanu nahay labada dhinac ee ku midaysan ilaalinta iyo jiritaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu si mug leh u waafaqsanahay qodobbada heshiiska isku soo dhaweynaya wadajirka guud ee SOLJA
Dhinaca koowaad:
1: Maxamed Cabdi Guuleed (Curad),
Gudoomiye Xigeenkii hore Ururka SOLJA
Dhinaca Labaad:
1: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),
Gudoomiyaha Ururka SOLJA
Markhaatiyaal:
1: Farxaan Cali Axmed
Gudoomiyaha Horn Cable TV
2: Maxamed Cabdi Ilig
Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV