|

Dhinacyadii ku dagaalamayay Suudaanta Koonfureed oo aqbalay wadahadal

Juba Jan 01.2014(SDN)-Ergryga gaarka ah ee dawlada Mareykanka u qaabilsan dalka Suudaanta Koonfureed ayaa shaaca ka qaaday in dhinacyadii ku dagaalamayay dalka socod baradka ah in ay ogolaadeen wadahadal.

Donland Booth ayaa barta Internetka ee AP u sheegay in ogolaashaha labada dhan ee wadahadalka in ay tahay tilaabadii u horeysay ee u muhiimsaneyd.

“Talaabadii u horeysay oo muhiimad u leh joojinta colaada”ayuu yiri Mr Booth.

Suudaanta Koonfureed ayaa colaado hareeyeen bishii ina dhaaftay bartameheedii intii ka danbeesay.

Colaada oo ka bilaabatay dagaal dhexmaray ciidamada ilaalada madaxtooyada  oo ka dibna isu bedelay  mid beeleed.

Urur Goboleedka IGAD ayaa dedaal ay wadeen ku doonayay in ay wadahadal u furaan madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore Riek Machar balse dagaalada ayaa halkoodii ka sii socday.

SDN-Juba
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed