|

Dhimbiil Dab ah Oo Madaxtooyada Somaliland ku Dhex Tuurtay Wakiillada Oo Meeshii ay Rabtay gaadhay iyo Dhinacyada is Haya Oo dhaliilo is Dhaafsaday

Hargeysa:22-Nov-2013(SDN)-Gantaashii sumaysnayd ee toddobaadkan madaxtoyadu ku soo dhex tuurtay Golaha Sharcidejinta, ayaa midhaheedii la arkay, waxana  dhinacooda jawaab ay sharcijebintaas ku difaacayaan jeediyey koox madaxtooyada raadkoodu ku batay.

wakiilloKoox uu Hoggaaminayo xildhibaan Saleeb cawad cali(Bukhaari), islamarkaana ka soo Horjeeda  isku shaandhaynta  ay Guddoomiye Cirro iyo Cali Yuusuf oo sheegay inuu  dib wax ka ogaaday ku sameeyeen Guddi-hoosaadyada Golaha wakiillada.

Kooxdan Xildhibaanada ah oo tiradoodu ku dhaweyn Toban ka mid ah kuwa ugu muxaafidsan dhinaca xisbiga Kulmiye, ayaa dhammaantood halkaas ka hadlay, waxana ay sheegeen in go’aankii Cirro uu ahaa mid Baadil ah oo baalmarsan Xeer Hoosaadka Golahaas, waxase ay ku Guuldarraysteen inay shacabka Horkeenaan wax qoddobo ah oo loo daliishan karo  diidmadooda.

Hadalka xildhibaanadan ayaa marka la wada eego salka ku hayey kaliya sidii ay  qiil ugu raadin lahaayeen diidmadooda Go’aanka Guddoomiyahooda, waxana ay hadalkooda u dhigeen Hannaan aan qodaybaysnayn oo aan ku qotomin  qoddobo sharci ah oo ay bulshada ugu sheegaan inuu Go’aankaasi Baadil ahaa.

Xildhibaanaddan oo qaarkood caan ku ah aqoonta durugsan ee  ay u leeyihiin dhinaca Sharciga sida xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaan Halkaas  Ka Sheegin wax qoddob oo ay u hayaan  dooddooda,  marka laga Reebo Qoddob ka mid Xeer Hoosaadkooda oo ay ku sheegeen in Xaggiisa dambe ay ku jirto diidmo ah inaan Guddi Hoosaadyada mar qudha  la wada Beddeli karin.

Arrintan ay xildhibaanaddani u cuskadeen Dooddooda ay kaga Soo Horjeedaan Guddoomiyahooda, ayaanay u haynin wax daliil ah marka laga reebo  odhaahda xagga dambe kaga jirta Qoddobka Ku Bilaabmaya, “ Guddi Hoosaadyada Golaha lama Beddeli karo Sanadka ugu Horreeya iyo ka ugu dambeeya” qoddobkaas oo xaggiisa dambe ay kaga taallo mar Qudha lama wadda beddeli karo Guddi Hoosaadyada Golaha.

Xildhibaanadan ayaa dhammaantood shalay ku doodayey inaanay wax Colaad ah u haynin Guddoomiye Cirro, waxana ay ku rafteen inay  jecel yihiin inay la sii shaqeeyaan Guddoomiyahooda Balse haatan uu sharciga Baal  maray.

Kooxdan Xildhibaanada ah oo sida Hadalkooda ka muuqatay laga soo Abaabulay Dhinaca Madaxtooyada, ayaa ku adkaystay ugu dambayntii inaan sinaba loo aqbali karin tallaabada uu Guddoomiyuhu ku dhaqaaqay.

Madaxtooyada Somaliland, ayaa iyadu mabsuud ku jirta, kuna faraxsan hannaanka ay u midho dhashay  dhimbiishii dabka ahayd ee ay ku dhex tuureen Golaha Baarlamaanku, waxana ay Dhoola-ka-qosol ku daawanaysaa isu jawaabidda iyo Aflegaadada ay dhinacyada is haya ee xildhibaanadu u yooyootamayaan.

Sidoo kale xukuumadda ayaa tallaabadan uga dan leh inay  ku Ogaato  ama ku tijaabiso  Awoodda uu cabdiraxmaan Cirro ku  dhex leeyahay Golaha, maadaama ay Ulo Booc ah ugu tukubayso  sidii ay meesha uga inqilaabi  lahayd.

Waxa kale oo warar Hoose oo aanu Helnay sheegayaan inay Haatan Madaxtooyadu Necbaanshaha Cabdiraxmaan Cirro u marayso Hannaan Qabiil, iyadoo inta badan Hadallada Kulul ee la Odhanayo Guddoomiyaha u isticmaalaysa Afka Xildhibaanada La Beesha ah si arrinta looga dhigo mid cid waliba diiddan tahay, waxase aan la ogaan karin meesha ay arrintaasi biyo Dhigan doonto, waxase muuqata Halis weyn oo ka soo socota Dabinka Sharci  ee Xukuumaddu u soohayso Guddoomiye Cirro.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed