Dhimasho Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Dagaal FAASHASH La Isku Adeegsaday Oo Burco Ku Dhex Maray Laba Kooxood Oo Dhallinyaro Ah & Xog-warranka Booliiska
Burco 20. April 2017 (SDN/QJ):- Hal Qof ayaa ku dhintay, Mid kalena wuu ku dhaawacmay Dagaal faashash la isku adeegsaday oo 17-kii bishan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer dhex maray Laba Kooxood oo dhalinyaro ah.
Labada Kooxood ee dhallinyarada ah, oo isku maandhaafay Kubad ay wada Ciyaareen, ayaa habeennimadii Isniinta ee Bisha April ahayd 17-ka ku dagaalamay Gudaha Magaalada Burco, iyagoo isku adeegsaday Faashash, Biro iyo Budhadh ay labada dhinacba siteen, taasi oo sababtay in laba ka mid ah Dhallinyaradaasi uu midna dhinto, mid kalena dhaawac soo gaadho, sida uu sheegay Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Togdheer oo Shalay Arrintaasi uga warramay Warbaahinta.
Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdillaahi oo Arrintaasi faahfaahinaya ayaa yidhi “Habeenkii bishu ahayd 17-ka, ayaa waxa dhacday Rabshad ka bilaabantay Kubad, waxayna dhex martay Dhallinyaro Koox Koox ah, markaa waxa dhacday inay dhallinyaradii Midna iska dilaan, midna iska dhaawacaan.”
Taliyaha oo la waydiiyey waxa dhallinyarada Dagaalku dhex maray isku adeegsadeen, ayaa ku jawaabay “Rasaas maaha (Waxa Dhimashada iyo dhaawaca sababay) ee waa Faashashkii iyo Birihii ay isla dhici jireen ayay Arrintu ahayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Booliisku Gacanta ku hayo Dhammaan Ciddii ka qayb-qaadatay Dagaalka labada Kooxood ee dhallinyarada ah dhex maray isla-markaana ay wadaan baadhitaanka Kiiskaasi, “Ciidanka Booliiska oo ogaaday Rabshaddaas ayaa ku baxay,
Dhammaan Ciddii hawshaa ka qayb-gashay Booliisku Gacanta ayuu ku hayaa, wax naga maqanna ma jiraan, kii u dambeeyay saaka (Shalay) ayaanu qabanay, Kiiskana Booliiska ayaa Gacanta ku haya, baadhistiisii-baana socota.”
Weriyeyaasha ku sugan Magaalada Burco, ayaa qaarkood Saadaal aan wanaagsanyan ka bixiyeen in Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Rabshadda labada Kooxood ay keeni karto rabshado kale oo Amniga Magaalada saameeya, haddaan Booliisku Gacan adag ku qabanin kiiskan isla-markaana Cid kasta oo isku dayda inay samayso wax ku lug leh Kiisaasi aan Gacanta lagu dhigin oo aan Sharciga lala tiigsanin.